Xogo Xiise Badan Oo Laga Yaabo In Aanad Ka Haynin Xiddiga Kubadda Cagta Ee Cristiana Ronaldo

0
554

1Madrid (Geeska)- Xiddigga kubadda cagta ee reer Giriig Cristiano Ronald oo can ku noqday in uu kaalinta hore ka galo liiska xiddigaha ugu caansan kubadda cagta ee dunida maanta, ayaa in kasta oo dad badani xogo fiican ka hayaan noloshiisa xirfadda ciyaaraha kubadda cagta waxaa jira xogo badan oo ka baxsan garoomada oo aanay dad badani ogeyn, kuwaas oo qaar ka mid ah uu maanta Geeska Afrika akhristayaashiisa halkan ugu hayo:

1. Isma tumo: ciyaartoyga Cristiano Ronaldo oo magaciisu caan ku yahay labada xaraf ee u horreeya labadiisa magac oo lagu daray lambarka garanka uu ku ciyaaro, CR7 waxa uu jidhkiisa ka ilaaliyaa in uu tunto oo qoraallo ama sawirro uu ku xardho sida lagu yaqaanno dad badan oo dunida caan ka ah. Haddaba waxaa xiise leh in sababta ugu weyn ee ciyaaryahankani u diiday in uu jidhkiisa tumaa ay tahay isaga oo doonaya in uu ilaaliyo caadadiisa ah in uu sannad kasta dhiig ugu deeqo cisbitaallada, sidaa awgeed maadaama oo dhakhaatiirta caafimaadku ay diideen in ay dhiig ka shubaan qofka jidhka tunta sababo caafimaadka la xidhiidha awgeed, CR7 waxa uu diiday in caadadiisaas uu tunniinka jidhku galaafto.

2. Khamriga iyo sigaarka: Sida ilo xog-ogaal ahi u xaqiijiyeen talefishanka Russia Today oo Geeska Afrika qormadan ka soo xigtay, xiddigga reer Burtuqiis tan iyo xilligii uu kurayga ahaa waxa uu si aad ah uga dheeraaday in uu barto balwadaha khamriga iyo sigaarku ka mid yihiin, sidoo kale waxa uu daryeel gaar ah siiyaa caafimaadkiisa jidheed. Dad badadn ayaana aaminsan in sababta uu CR7 isaga ilaaliyey balwadahani ay tahay cuqdad uu ka qaaday aabihii iyo walaalkii oo balwadaha daroogadu dishoodeen, dhibaato badan oo caafimaadna ka soo gaadhay.

3. Jidh qurxin: Ciddiga CR7 ayaa la xaqiijiyey in marar badan uu galay qalniino la xidhiidha qurxinta jidhkiisa, kuwaas oo isbeddelka dhinaca quruxda ah ee ay ku soo kordhiyeen si fiican looga arki karo sawirradiisii hore iyo kuwa muddooyinkii dambe laga qaaday. Meelaha uu qalniinka iskaga sameeyey Cristiano Ronaldo waxaa ka mid ah ilkaha oo uu xidhis iyo dib u habayn ku sameeyey.

4. Caawimada dadka baahan: Ciyaaryahanka CR7 waxa uu caan ku yahay in uu gacan caawimo u fidiyo ururrada samofalka ee aan xukuumaduhu lahayn ee caawiya carruurta, gaar ahaan kuwa faqiirka ah. Sida dadka yaqaanna xiddigga xulka Qaranka Portugal iyo kooxda Real Madrid sababta ugu weyn eek u dhiirrigelisa in uu dadka faqiirka ah caawiyaa waa dareenkiisa runta ah ee la xidhiidha faqriga maadaama oo uu ku soo koray nolol faqiir ah.