Gabadh Uu Internet Ka Jeclaaday Ayaa U Sheegtay In Ay U Soo Dhoofayso, Toban Maalmood Markii Uu Madaarka Taagnaa Ee Aanay Weli Iman Ayuu Miyir Beelay

0
625

1Beijing (Geeska)-  Nin u dhashay dalka Holland oo uu jacayl maan-qaaday ayaa cisbitaalka loola cararay kadib markii uu la miyir beelay gaajada toban maalmood oo uu qadoodi ku joogay madaarka diyaarada oo uu ku sugayey haweenay uu internet ka ka caashaqay oo ay ku ballameen in uu u soo dhoofo iyaduna madaarkan ku sugi doonto.

Warbaahinta maxalliga ah ee dalka China ayaa qortay in Peter Alexander Serk oo 41 gu’ jiray uu ka soo degey gegida diyaaradaha ee Changsha Huanghua ee dalka China bishii hore isaga oo qaba rajo ah in ay ka hor iman doonto gabadh 26 sano jir ah oo lagu magacaabo Zhang oo muddo ay Internet ka haasaawayeen.

Warkan oo uu Geeska Afrika soo turjumay waxa uu intaas ku daray in markii uu Serk madaarka joogay siddeed maalmood oo maalin kasta uu filayey in ay iman doonto gabadhani, isla markaana masuuliyiinta ka diiday in uu ka baxo ama dib u noqdo uu ugu dambayntii u warramay talefishan isaga oo sheegay in gabadhan ay iska barteen Internet ka oo muddo laba bilood ah ay ka haasaawayeen, kulana ballantay in ay timaaddo, sidaa awgeed aanu ka tegi doonin madaarka illaa uu la kulmo.

Dhinaca kalana gabadhan oo uu isla talefishankani talefanka kala xidhiidhay ayaa sheegtay in aanay filayn in ninkaas reer Holland uu iman doono magaaladeeda, imikana aanay diyaar u ahayn in ay la kulanto oo ay ku jirto xaalad aan munaasab ku ahayn in ay aragto, taas oo ay ku tilmaamtay qalniin is-qurxin ah oo ay dhowaan samaysay in aanay weli nabarradiisii ka bogsan.

Zhang oo qisadeeda ka sii warrantay ayaa tidhi, “Runtii shoog ayaa ay igu noqotay. Markii aanu haasaawahan bilownay ujeedadayadu waxa ay ahayd guur, laakiin muddooyinkii dambe si tallaabo-tallaabo ah ayaa uu dareenkiisu isu soo beddelayey oo aan ka arkayey in aanu sidaas ii sii danaynayn” Iyada oo sheegtay in sababtaas awgeed aanay filayn in uu yimaaddo magaaladan ay deggen tahay.

Maalintii tobnaad ee uu cunto iyo biyo la’aan Serk madaarka joogay isaga oo aan weli quusan ayaa aakhirkii uu miyir beel la dhacay waxa aana loola cararay cisbitaalka. Laakiin markii uu ka soo noqday miyir beelkii waxa uu sheegay in uu weli ku dheggen yahay go’aankiisa ahaa in uu arko gabadhaas, oo uu sheegay in uu doonayo inay wada hadlaan oo weliba inta uu guursado ay u raacdo dalkiisa Holland sida ay marka hore ku heshiiyeen. Si kastaba ha ahaato ee Serk go’aankiisaa kuma uu guulaysan aakhirkiina waxa uu dib ugu noqday dalkiisa isaga oo aan arag Zhang.