Md. Saylici Oo Shahaado Sharafyo Gudoonsiiyey Xubno Ka Qayb Qaatay Dib U Habaynta Nidaamka Garsoorka

0
579

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta ka qayb galay munaasibad shahaadooyin lagu gudoonsiiyey xubno ka mid ah bahda garsoorka somaliland oo si weyn uga qayb qaatay isbadalkii lagu sameeyey hanaanka garsoorka dalka.

1

Munaasibad lagu abaal marinayey xubnahan oo ka dhacday magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay madaxweyne ku xigeenka somaliland, gudoomiyaha maxkamada sare, wasiirka cadaalada, xeer ilaaliyaha guud, xubnaha guddida cadaalada,hogaanka ciidanka Booliska iyo Asluubta iyo qaar ka mid ah hay’adaha la shaqeeya bahda garsoorka iyo marti sharaf kale.

Madaxweyne ku xigeenka somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo ka hadlay kulankan ayaa waxa uu sheegay in isbadalada dalka ka socda ay la jaan qaadayaan bahda garsoorkuna waxaanu yidhi " Farxad ayey ii tahay inaan ka soo qayb galo xaflada lagu soo gaba gabaynayo kulan hawleed maalmahanba u socday bahda cadaalada iyo garsoorka, isbadalada dalka ka socda ayaanay ka mid tahay tan cadaaladu, waxaana dalka ka socda dib u habayno badan kuwaas oo ay ka mid yihiin dib u habaynta shaqaalaha, dib u habaynta maareynta dhaqaalaha iyo dib u habaynta cadaalad kuwaas oo dhamaantood salka ku haya cadaalada, cadaaladuna way balaadhan tahay mana aha tan garsoorka oo kaliy ee hawsha qaranka ee aynu hayno oo dhan cadaalad ayey u baahan tahay, waxaana loo baahan yahay in qof walba cadaaladaas inta kaga beegan ku toosnaado.”ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka soomaaliland Cabdiraxmaan Saylici.

Gudoomiyaha maxkamada sare ee Somaliland Prof Aadan Xaaji Cali oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa ka waramay isbadalka dhinaca garsoorka waxaanu yidhhi "Garsoorku dib u habayn ayuu ku soo jiray ilaa sanadkii 2011-kii marna marxalad ayuu qaadanayey laakiin wakhtiyadii u danbeeyey ayuu dardar xoog ah galay, markaa isbadalkaa hay’addihii ka qayb qaatay ee maxkamadihii, xeer ilaalintii, booliskii, asluubtii iyo hay’addaha kale ee la shaqeeya ayaanu halkan ugu tala galnay inaanu ku gudoonsiino shahaado sharafyo si ay niyadooda iyo shaqada fiican ee ay qaranka u hayaan u sii socoto.”

Sidoo kale waxa uu soo jeediyey in laga wada shaqeeyo sidii loo wanaajin lahaa garsoorka iyo cadaalada waxaanu yidhi "Cadaalada iyo garsoorku waa laf dhabarta umadeed iyo mida dawladeed, mar kasta oo lagu dedaalo in la helo garsoor iyo cadaalad fiican dawladnimo fiicana waa la helayaa, kala danbayn iyo amni ayaa la helayaa, wax walibana way fiicnaanayaan waayo meesha dawladnimadu ku fadhiisato jiritaankooda waxa ugu horeeya cadaalad iyo garsoor isku duba ridan, markaa inaynu habayno oo aynu dib u habayn ku samayno oo wanaajino cadaaladeena waa shay dhamaanteen ina wada anfacaya, waxaad u fiirsataan umadaha ay cadaala daradu ku dhacdo sharciga ayey gacanta lagu qaataan, koox koox ayaanay u qaybsamaan marka danbana way is gawracaan.”

Gudoomiyaha Maxkamada sare ee somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Bahdayada cadaalada iyo garsoorku anaga oo midaysan waxaanu doonaynaa in aragtida iyo isha aanu ku soo jeedino dawladnimadeena, maamul wanaageena, daganaanshaheena iyo amnigeenu waxa uu ku jiraa inta aynu wanaajino cadaalada iyo garsoorkeena, dib u habaynta iyo wanaajintana qof kaliya ma qaban karo, balse waxa lagu qaban karaa wada jirka qofka haya masuuliyada ugu hoosaysa ee bahda cadaalada iyo qofka ugu sareeya.”

Sidoo kale waxa kulan ka hadlay wasiirka cadaalada Somaliland Axmed Faarax Cadare, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Xasan Axmed Aadan, taliyaha ciidanka Booliska Cabdilaahi Fadal Iimaan, Taliye ku xigeenka ciidanka Asluubta iyo xubno ka socday hay’addaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah, kuwaas oo dhamaantood ku dheeraaday nidaamka dib habayneed ee ka socda bahda cadaalada, waxaanay soo dhaweeyeen isbadalada ilaa hada muuqda ee la gaadhay.