Xoghayihii Dawladda Hoose Ee Burco Oo Isga oo Xidhan Xilkii Laga Wareejiyay

0
949

Burco1

Burco (Geeska)- Iyadoo xoghayihii fulinta D/Hoose ee degmada Burco Cabdiraxmaan Maxamuud Xasan uu wali ku jiro Jeelka weyn ee magaalada Burco, ka dib markii lagu soo eedeeyay inuu ku kacay falal musuqmaasuq ayaa dhawaan la soo magacaabay xoghaye cusub kaas oo shalay la wareegay xilkaasi. Munaasibad balaadhan oo shalay subaxnimadii lagu qabtay Xarunta D/Hoose ee Burco oo ay ka soo qeyb galeen labada Maamul ka Gobolka iyo ka degmada, cuqaal, salaadiin, waxgarad iyo marti sharaf kale ayaa ka soo qayb galay xil ka wareejinta xoghayihii hore.

Ugu horayn waxa hadal  ka soo  jeediyey maayarka magaalada Burco Maxmud Axmed Xasan (Dhegalaab) waxaanu sheegay in xoghayaha maanta xilka lagu wareejinayaa aanu ahayn mid Cusub ee uu yahay Xoghaye hore uga soo shaqeeyey Dawlada hoose, isla markaana dib loogu soo celiyey xilkaas, isaga oo sheegay inu la soo shaqeeyey maayaradii hore, wuxuu xoghayah cusub ee shalay  xilka la wareegay ugu duceeyey in ilaahay hawsha u fudaydiyo, isaga oo carabbaabay inay si wanaagsan u wada shaqayn doonaan.

Agaasimaha maamulka iyo maaliyadda Axmed Suldan Aadan Yusuf oo isagu ahaa ku simaha xoghayihii hore ee D/Hoose, isla markaana shalay xilka u kala wareejiyey labada masuul  ayaa munasibadaasi  kaga warbixiyey dhaqaalaha uu Baanku Burco u hayo D/Hoose ee degmada Burco, sido kale wuxuu warbixintaas kaga hadlay  xaaladda shaqaalaha dawladda hoose, isaga oo xoghayaha cusub u gudbiyay qoraal iyo shaqaalaha ka shaqeeya D/Hoose tiradooda iyo waliba mushahaarada ay qaataan.

Xogahayaha Cusub ee dawlada Hoose  Cismaan Maxmed Sh. Cismaan Nuur ayaa isna madashaasi ugu mahadceliyay  maayarka Burco, xildhibanada golaha deeganka iyo maamulka gobolka intaba, wuxuuna xoghayuhu ka  sheekeeyey xilka iyo dhibaatooyinkiisa, sidoo kale wuxu warbixin dheer ka bixiyey qaabkii xilka xoghayenimo looga qaaday wakhtigii uu xoghayaha ka ahaa dawladda Hoose ee Burco sanadii 2001-dii, isla markaana uu wakhtigaas la shaqeynayey maayarkii xiligaas.

Badhasabka gobolka Togdheer Yasin Muxumed Cabdi ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan masuulka cusub, isla markaana kula dar daarmay in uu xilku meerto yahay.