Ayman Dawaahiri Oo Tacsiyadeeyay Osama, Maraykanka U Hanjabay

0
838

dawaahiri

 

Ayman Al-Ddawaahiri oo ka tirsan hoggaanka sare ee shabakadda Alqaacida ayaa farriin cusub oo uu soo saaray ku sheegay in Maraykanku waajihi doono waxa uu ugu yeedhay kacdoon ummadeed, oo jawaab u ah dilkii Usaama Bin Laden ee bishii May ay Maraykanku ku dileen dalka Pakistan.

 

Farriintan oo ahayd muuqaal Video lagu faafiyey barta internet-ka ee youtube waxa uu Dawaahiri ku sheegayaa in dagaalka iyo kacdoonnada lidka ku ah Maraykanka ee dhimashadii Usaama kadib ka hor imanayaa aanay ahayn kuwo ashkhaas ama kooxo wadaan ee ay noqon doonaan kacdoonno ay kala hor yimaaddaan ummadda muslimiinta oo hurdadii ka soo baraarugtay, “Waxa ay noqon doonaan kacdoonno jihad oo cariya Maraykanku meel kasta oo uu joogo” ayuu Dawaahiri ku yidhi farriintan cusub.

 

Cajaladdan oo soconaysa muddo 28 daqiiqo waxa uu Dawaahiri ku sheegayaa in sannadihii yaraa ee u dambeeyey Maraykanku la kulmay dhirbaaxooyin uu ku sheegayo in ay ugu horreysay tii ka raacday weerarradii 11-ka September 2001-da, ee lala beegsaday xaruntii ganacsiga caalamiga ahayd ee New York iyo wasaaradda difaaca ee Maraykanka Pentagon, waxa aanu ku sheegay in ay yihiin dhirbaaxooyin Maraykanku ku khasaaray wax badan marka lagag eego dhinacyada dhaqaalaha, milateriga iyo mooraalka intaba.

“Dhirbaaxada labaad waa ta ka soo gaadhay jabka Ciraaq” ayuu yidhi Dawaahiri oo sheegay in ay Maraykanku ka baxayaan Ciraaq markii ay u adkaysan waayeen weerarrada lala beegsanayo, waxa uu Dawaahiri ku dooday in taas oo kalana ay Maraykanka ka raaci doonto dalka Afghanistan , “Waxa ay ku dhawaaqeen in ay ka baxayaan Afghanistan iyaga oo og in dhulka intiisii badnayd ay haysato Daalibaan” ayuu yidhi Dawaahiri.

Dhirbaaxada afraad ayuu Dawaahiri ku sheegay kacdoonnada ka socda dalalka carabta oo kursigii ka tuuray madaxweynayaashii Masar iyo Tunisia oo xulafo la’ahaa Maraykanka. Dawaahiri waxa uu sheegay in Maraykanku isku dayey in uu xakameeyo kacdoonnadaas, laakiin dhalinyarada kacdoonka waddaa ay dhirbaaxo ku dhufteen, waxa aanu si gaar ah u soo hadal qaaday kacdoonka hadda ka socda dalka Yemen.

Cajaladdan muuqaalka ah oo noqonaysa tii ugu horreysay ee muddo sannado ah laga arko Dawaahiri waxa uu aad ugu ammaanay Usaama Bin Laden iyo kaalintii uu ku lahaa jihaadkii midawga Soofiyati lagaga saarayey Afghanistan, iyo jihaadka uu sheegay in uu ka dhan yahay awood sheegashada Maraykanka, waxa uu Usaama ku ammaanay kaalinta gargaar ee uu ugu jiray mujaahidiinta Ciraaq, Falastiin iyo meelo kale oo ka mid ah dunida carabta iyo islaamkaba.

Tan iyo markii la dilay Usaama bin Laden waxaa soo baxaya warar is burinaya oo ku aaddan cidda dhab ahaan hadda hoggaamisa ururka Alqaacida, in kasta oo ay dad badani ku doodayaan in aanu jirin qof kaga habboon Ayman Dawaahiri, haddana Alqaacida weli war rasmi ah kama ay soo saarin.