Saddexda Xisbi Qaran Oo Dareeno Isku Dhow Iyo Dardaar Warin Kaga Jawaabay Tallo Bixinta Ay Guddigu Soo Jeediyeen

1
788

bixi

 

Hargeysa (Geeska)- Saddexda xisbi qaran ee Somaliland ayaa shalay si kala duwan uga hadlay go’aanka guddiga ka soo tala bixinta furashada ururada siyaasadu ka soo saareen go’aankii laga sugaayey mudada dheer, isla markaana dhaliilo u soo jeediyey guddigaas, halka ay qaar kalena u soo jeediyeen amaan iyo bogaadin.

UDUB

Xisbiga mucaaridka ah ee Udub ayaa dhaliilo u soo jeediyey guddigaas, isla markaana ku tilmaamay guddi u baahan in la hor keeno sharciga si loo hor geeyey maxkmada, sidaas waxaa yidhi ku simaha gudoomiyaha ahna ku simaha gudoomiyaha xisbiga Udub Axmed Yuusuf Yaasin. Waxaanu yidhi “Guddi la yidhi ha soo taliso oo go’aan ha gaadha waa tii ugu horaysay, arrinkuna markii hore halka uu ka qaloocday waxa uu ahaa hadii ay noqoto tafsiir ama xeerar la isku qabto dastuurku cid ayuu siinayaa, qodobka 98 ee dastuurka sida uu sheegaayo waxaa awood gaara u leh hay’ada garsooka, taas oo uu qoraayo qodobkeeda 1-aad oo dhigayaa in uu fasiro xeerarka ka soo baxa golayaasha. Hadaba ama halkii ayuu mari doonaa ama adayga (Madaxweynaha) ayaa go’aan gaadhi doona. Waxaanay ahayd inay guddigu talo ku soo celiyaan ee may ahayn inay saaxada ka dhawaaqin, waana arrin qaldan. Markii aftida Hargeysa lagu bilaabay ee ay tidhi maya waxa la soo bandhigay waxaan u arkaa cadaalad daro. Guddigani waxay ku gafeen arrinkii loo dirtay, waxaana ka buuxa dad aan siyaasada u bislayn, waxaana qabanaya sharciga, waana in la soo saara maxkamad”.

 

Axmed Yuusuf Yaasin sheegay in aanay xisbi ahaan ka baqayn ururo cusub oo la furo, hase ahaatee wuxuu sheegay inay ka baqayaan ururo ku dhisan qabaa’il iyo gobolaysi, waxaanu yidhi mar kale “Anaga xisbigayagu waa xisbi facweyn oo ka baqayn mayno, laakin waxaanu ka baqanaynay qalalaasaha wadanka ku iman kara iyo ayaaha dalka, waxaanu nidhi markii hore waxaa samaysmi doona ururo ku salaysan qabiil iyo gobolaysay, kuwaas oo ka hor imanaaya dastuurka, hadii xisbi qaran oo meesha fadhiyey uu waayo xisbigoodi uu ka baxayaa saaxada, hadii shantii sanaba xisbiyo la furo waxaa meesha ka baxay mucaaridkii dawladi ay yeelan lahayd. Maanta mucaarid ayaanu nahay, waxaanan qabaa in aanu nahay ururka uga faca weyn, waxaan aaminsanahay in aanan saaxada ka baxayn, waase hadii la helo cadaalad, qolada koomishanka ee halkan cumaamatay iyagu malaha, xaqanu siin maayo inay ka gar naqaan, iyada oo hada u muuqata inay arrinku isku cumaamadayaan.

 

Talo meel ayey fadhidaa waana xisbul xaakimka, laba mid ayey noqon doonaan, waxay noqon kuwo dalka badbaadiya ama waxay noqon doonaan niman dhex fadhiista.

UCID

Gudoomiyaha xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa dhankiisa ku tilmaamay go’aanka guddiga talo bixinta mid sharciya in xisbi ahaan ay aqbalaan go’aankooda, isaga oo intaas raaciyey inay Ucid ahaan war war ka ahayn furista ururada siyaasada. Waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Waa qasab sharci ahaan in la ogalaado go’aanka guddiga, madaxweynaha ayey u taala hadalka kama danbaysta ah. Anaga Ucid ahaan iyo faysal ahaan waligay waxaan lahaa wixii la goostay waan ogolahay.

 

Xisbi ahaan war war kama qabno inay ururo nala tartamaan anaga oo toban sano jiray. Laakin waan sheegay inay arrintu tahay tii shir beeleedka oo kale, isla markaana ay dib inoogu celinayso 2001-dii. Waxaa muuqanaysa in hadii ururadii la furaayo dawladaha hoose laga tashadaa, laga tashadaa baarlamaanka oo uu wakhtigiisi dhacay. Waxaa jira beelaha hareeraha iyaga oo ka cabanaaya in aanay ka muuqan awoodii hore, markaa si ay baarlamaanka uga muuqdaan oo xilka la qaybsado oo mar dib loogu noqday 2001-dii oo ururo la furaayo waxay ila tahay in golayaasha oodhan dib loogu noqdo. Laakin hadii aanay arrintaasi khal khal inoo keenayn oo aanay qaranka dhibaato u keenayn anagu waanu ogolnahay”

 

KULMIYE

 

Geesta kale xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa si weyn u soo dhaweeyey go’aanka guddiga. Gudoomiyaha Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay inay hore u cadeeyeen inay ku kal soonyihiin wixii ka soo baxa guddiga. Sidoo kale Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay khilaafkii soo kala dhex galay isga iyo gudoomiyaha golaha dhexe ee Kulmiye, waxaanu yidhi “Xisbiga Kulmiye hore ayuu u cadeeyey, hadana uu cadaynayaa waxba kama qabno in dalka laga furo ururo siyaasadeed oo cusub oo u furma si waafaqsan sharciga dalka u yaala. Waxaanu ku taaganahay balan qaadkaygii barnaamijka cisbiga Kulmiye oo ahaa in dalka laga furo ururo siyaasadeed. Hore ayaanu u nidhi guddigaas wixii ka soo baxa niman ogol ayaanu nahay. Anagu mar walba tartan u joog ayaanu nahay, cidii kale ee saaxada soo galaysay ama hore ugu jirtay waanu soo dhawaynaynaa. Waxa kale oo aan doonayey in aan ka hadlo qodob kale oo baryahan aad loo hadal hayey, kaas oo ah kal fadhigii golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo xoogaa duul duula aad saxaafad ahaan ka baahiseen, farsama anaga dhexdayda naga qaldantayna ahayd.

 

Kal fadhiga golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye waa sharci waana mudo dhaaf imika, wuxuu u muda dhaafayna waa hawlo xisbiga iyo dalka ka jiray ayey ahayd, hadana diyaar garawgiisii ayaanu ku jirnaa, wixii naga qaldamay waanu saxaynaa, shir weynaha waxaa la qaban doonaa sanadka danbe sida ku mudaysan xeerka.”

Comments are closed.