Xog Ku Saabsan Wadnaha Oo Laga Yaabo In Aanad Ogeyn: Inta Jeer Ee Uu Sannadkii Garaaco Iyo Dhiigga Uu Tuuro

0
648

1Washington (Geeska)- Wadnuhu waxa uushaqeeyaa 24 ka saac maalin kasta, oo aanu ilbidhiqsi badhkii nasan, ma yaqaanno waqti hurdo iyo waqti raaxo midna, waa qaybta jidhkeenna ka mid ah ee masuulka ka ah, in dhiigga uu gaadhsiiyo dhammaan qaybaha jidhka. Qormadanoo uu Geeska Afrika turjumay waxa aynuku eegaynaa shaqooyin uu wadnuhu qabto ama qaar ka midah muhiimadaha uu leeyahay oo aanay inta badan dadku ogayn, waxa aanay kala yihiin:

– Wadnuhu sannad kasta isu geyn ahaan waxa uu sannadkii garaacmaa in ka badan 35 Milyan oo jeer.

– Miisaanka wadnuhu waxa uu miisaanka jidhkeenna ka yahay boqolkiiba hal badhkii.

– Wadnaha haddii si kedis ah jidhka looga saaro muddo ilbidhiqsiyo ah ayaa uu iska sii shaqeeyaa isaga oo bannaanka yaalla.

– Marka la qiyaaso dhiigga uu tuuro wadnaha qofka da’da dhexe ah, waxaa soo baxaysa in qiyaastii hal milyan iyo badh foosto oo dhiig ah uu wadnuhu sameeyo inta uu nool yahay qofka waqtiga caadiga ah ku dhintaa.