Baro Khudradda Si Aan Soo Noqosho Lahayn U Kaxayn Karta Suuska Iyo Caabuqa Cirridka Ku Dhaca

0
582

1Washington (Geeska)- Cilmibaadhis lagu sameeyey dalka Maraykanka ayaa daahfurtay in midhaha sabiibtu ay hodan ku yihiin 5 Isku dhis kiimikaad oo geedkan ka samaysma ah, kuwaas oo ka hortaga in ay afka ku dhalato bakteeriyada suuska keenta iyo cudurrada cirridka ku dhaca, sidoo kale waxa ay ku liddi yihiin sunta iyo in bakteeriyadu afka gudihiisa ku badato, taas oo iyaduna ka hortagaysa in ilkaha uu ku samaysmo lakabka huurada ama bakteeriyada ah ee aakhirka dahaadha iligga.

Cilmibaadhistu waxa ay intaas ku dartay in sabiibtu ay ka kooban tahay curiyeyaal cunto oo turio badan, kuwaas oo ay ka mid yihiin, Faytamiin B Complex, iyo qaar ka mid ah macdanaha cusbada ah sida Kalshiyaamta, Koberka, Iodine ka, Phosphorus ka iyo Potassium nooceeda caafimaadka u fiican.