Ishaarooyin Iyo Xarakaad Kuu Suurtogelinaya In Qofka Shucuurtiisa Aad Si Fudud U Fahamto (Q: 2aad)

0
564

1Hareysa (Geeska)- Waa qaybtii labaad uguna dambaysay qormadii uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Russia Today ee ka warramaysay dhowr ka mid ah ishaarooyinka haddii aad ku aragto qofka aad la kulansan tahay aad macnaha badan kala dhex bixi karto:

4. Qaab istaagga iyo muuqaalka duleed: Calaamadaha jidheed ee muhiimka ah in aad aad ugu fiirsato marka aad qof la kulmayso, gaar ahaan, marka ay barashadu isugu kiin horreyso qofka, waxaa ka mid ah; haddii aad qofka ku aragto sara-joog qumman oo dhabarka uu toosiyey, waxa ay ku tusaysaa awood iyo in uu yahay qof jicil in uu isagu mar kasta gacanta sare yeesho.  Haddii se’ aad aragto qofka oo garbaha inta uu hoos u dhigay, wax yar isa soo xooday, waxa ay ku tusaysaa, in uu yahay qof aan danayn badan lahayn, ama aan qiimaynayn shakhsiyaddaada ama arrinka aad kala hadlayso.

5. Eegmo dheer oo aad ku aragto qofka aad la hadlayso: Cilmibaadhis cusub ayaa daahfurtay in qofka beenta sheeayaa ama ugu yaraan arrin run ah qarinayaa ay adag tahay in uu si toos ah muddo dheer qofka indhaha u siiyo, isaga oo aan mar keliya hareeraha eegin.sidaa awgeed si aad u dareento niyadda iyo daacadnimada qofka aad la kulmayso waxa ay ku fiican tahay in aad indhaha indhaha u saarto oo aad muddo dheer ku eegto.

6. Qofka oo labada sunne kor u qaadaa waa astaan in aanu arrinka socda ku xasiloonayn: Haddii aad aragto qofka aad la hadlayso oo marka uu hadlayo sunnayaasha kor u qaadaya, waxa ay muujin kartaa in qofkaas aad la hadlaysaa aanu nafsiyan ugu raalli ahayn waxa aad kala hadlayso ama ugu yaraan xaalad aanad ogeyn awgeed aanu nafis u ahayn.

7. Madax lulista badani waa ishaaro taban: Haddii qof uun aad la hadlayso aad aragto isaga oo si aan kala joogsi lahayn madaxa kuugu ishaaraya ama kuugu tilmaamaya wax, waxa ay taasi caddayn u tahay in qofkani uu sakati iyo walbahaar nafsi ah qabo, ama ugu yaraan in uu adiga kaa shakisan yahay, oo tusaale ahaan uu is leeyahay qofkani waxa uu qawadsan yahay awooddaada iyo kartida aad u leedahay in aad fuliso waxa uu kaa rabo.

8. Qoorta oo dhidbanta ama wejiga oo urura: Haddii qofka aad sheekada wadaagaysaan ama kulan muhiim ahi idiin dhexeeyo aad ku aragto isaga oo qoortiisu sida qodinka u dhidban tahay oo aan mar keliya dhinacna u dhaqaajinayn, ama wejigiisa oo xidhan / urursan waxa ay astaan u tahay in uu diiqad nafsi ah ama warwarka iyo qulub qabo, ama ugu yaraan uu sheekada ka dhex arkay wax uu diiday.