Xisbiga UCID Oo Cambaareeyay Hadalkii Madaxweynaha Somaliya

0
636

 

Picture5Hargeysa (Geeska) – Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa shalay cod dheer ku cambaareeyay hadalkii deel-qaafka ahaa ee ka soo yeedhay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo dhawaan qadiyadda Somaliland ku tilmaamay caadifad.

Ku xigeenka xoghayaha guud ee xisbiga UCID Cabdi Naasir Yuusuf Cismaan oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa si kulul u cambaareeyay hadalka Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud qadiyada Somaliland ku sheegay inay tahay caadifad, waxaanu masuulkaasi xisbiga UCID u hadlay sheegay in Madaxwaynaha Somaliya hadalkaasi ka soo yeedhay mid meel ka dhac ku ah shacabka Somaliland qadiyadooda, waxaanu Cabdi Naasir Yuusuf Cismaan Sheegay in Madaxwaynaha Somaliya jabiyey qodob ka mid ahaa heshiiskii Somaliland iyo Somaliya ay dhawaan ku kala saxeexdeen Magaalada Ankara ee dalka Turkiga, kaasi oo ahaa inaan labada dhinac midna keenin wax dhaawacaya heshiiska.

Dhanka kale, war-saxaafadeed uu soo saaray ku xigeenka xoghayaha Arrimaha gudaha Xuseen Xasan Badmaan isla-markaana uu ku cambaareeyey hadal ka soo yeedhay wasiirka warfaafinta Somaliya “Xisbiga caddaalada iyo Daryeelka ee UCID, waxa uu u taagan yahay ilaalinta jiritaanka Jamhuuriyada Somaliland, fulinta go’aanka shacabka ee madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland. Waxa aanu si aad ah u cambaaraynaynaa fara-gelinta iyo xad-gudubka siyaasadeed ee joogtada ah ee ay dawlada Somaliya ku hayso Jamhuuriyada Somaliland. Hadalka ka soo yeedhay wasiirka warfaafinta Somaliya waxa uu muujinaya khiyaamada ay dawlada uu ka tirsanyahay kula jirtay qodobadii ka soo baxay shirkii Ankara, waxaanu leenahay dawlada uu hogaamiyo Xasan Sheekh waanu garanay ula jeedada aad ka lahaydeen wadahadaladii inoo socday inaad midnimo muusaysan hoosta ka wadeen.

Waxa aanu leenahay joojiya riyada aad ku jirtaan, kuna laabta xaqiiqada ah inay dalka iyo hawada Jamhuuriyada Somaliland midna aanay ka mid ahayn Somaliya, nahayna laba dal oo jaar ah.”