Marxuum Aw Biixi Oo Geeriyooday Iyo Madaxweynaha Oo Tacsi U Diray

0
654

 

Hargeysa(Geeska)-Alle haw naxariiste waxa shalay Hargeysa ku geeriyooday Marxuum Biixi Suufi Abokor (Aw Biixi), oo ka mid ahaa odayaashii reer Hargeysa.

Marxuum Aw Biixi, oo muddo u jiifay xanuun haleelay, waxa maanta lagu aasayaa xabaalaha Hargeysa. Aw Biixi, wuxuu ka mid ahaa odayaashii kaalinta ka qaatay nabadaynta beelaha Somaliland. Aw Biixi oo muddo dheer ku soo jiray siyaasadda, waxa kale oo uu caan ka ahaa badweynta suugaanta. Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa tacsi u diray ehelada iyo asxaabta uu ka geeriyooday. “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Ehelkii, Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland guud ahaanba isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid ALLE HA U NAXARIITSEE MARXUUM CABDILAAHI SUUFI ABOKOR (AW BIIXI) Oo ka mid ahaa odayaashii waa weyna ee ka soo qayb qaatay dib u dhiskii dalka iyo hub ka dhigistii  ciidamada lagu sameeyey.” Sidaas ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka Madaxweynaha oo lagu daray, “Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.”