Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Wadani Oo Madaxweyne Siilaanyo Ku Dhaliilay Gabi Dhaclaynta Siyaasadiisa Arrimaha Dibadda

0
415

 

Picture6Hargeysa( Geeska )-Afhayeenka xisbiga WADANI  xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, ayaa madaxweyne Siilaanyo ku dhaliilay ka noqoshada shirka London isaga oo afhayeenku sheegay in ay wax yeeli karto diblamaasiyada guud ee dalka.

Xildhibaan Mahdi Buubaa waxa uu madaxweynahe Siilaanyo ugu baaqay inuu jiho u sameeyo siyaasada arimaha dibada, laakiin aanu go’aankiisu noqon waanu qaadacnay iyo waanu aqbalnay.

Waxa uu sidan ku sheegay afhayeenka xisbiga Wadani xildhibaan Mahadi Buubaa shir jaraa’id oo uu shalay  warbaahinta kula hadlay, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa  “ Madaxwaynuhu waxa uu hore u sheegay in shirka London tallo qaran laga yeelanayo, may dhicin talladii qaran, haddii laga taggi waayo qaybo ka mid ah xukuumaddu waxay baahiyeen in la soo casuumay waxgaradka reer Somaliland ee qurba-joogta ah si ay uga qayb-qaataan taladii qaran ee Madaxwaynuhu ku baaqay, haddana hadalkii Madaxwaynuhu wuxuu noqday waanu qaadacnay shirkii (London), dannina Somaliland uguma jirto inay ka qayb-gasho shirkaasi, waxaanu leenahay xukuumadda waxa u wanaagsan inay isku duba ridato wararka ay bulshada u sheegayso, jiho siyaasadeed oo cadna ay u jeexdo, maaha inay marna tidhaahdo shirka waa lanagu casuumay oo waanu ka qayb-galaynaa, marna ay tidhaahdo waanu qaadacnay, xagga diblumaasiyasada markaanu eegno waxaanu qabnaa qaadacaada shirkaasi ee Madaxwaynuhu ku dhawaaqay inay Somaliland dhaawacayso, Madaxwaynaha waxa looga fadhiyey hadal u dhaxeeya waanu ka qayb-galaynaa iyo kama qayb-galayno.”