Shacabka Somaliland Iyo Siyaasiyiinta Qaarkood Oo U Sacabo-tumay Go’aanka Uu Madaxweyne Silanyo Ku Laalay Ka Qayb Galka Shirka Ingiriiska

0
4638

 

Picture7Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa ku dhawaaqay Jimcihii inaanay Somaliland ka qayb geli doonin shirka London, maadaama uu yahay shir u gaar ah dawladda Somaliya.

Go’aankaas uu Madaxweynuhu ku dhawaaqay wuxuu ku yidhi sidan “ka [shirka] Ingiriiska lagu qabanayo ayaa ugu dhawaa, kaasna waanagii nidhi marti-qaad dawladda Soomaaliya loo sameeyay weeye, marti-qaad Soomaaliya loo sameeyayna anagu ka qayb gali mayno shaqana kuma lihin.”

Markii uu Madaxweynuhu kelmadahan ku dhawaaqayba waxa sacab isla oogsaday hoolka martida ee madaarka Hargeysa oo dadkii soo dhaweeyay ee ku sugnaa ay si weyn u soo dhaweeyeen go’aankan.

Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey) oo ah siyaasiga hadalada ugu kulul ku naqdiya Madaxweyne Siilaanyo, ayaa si weyn u soo dhaweeyay go’aankas uu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ka gaadhay shirka London. “Madaxwaynaha annagu beryahanba waanu ku cel-celinaynay inaan shirkaa London la tagin, waxaanu ku cel-celinaynay in wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ay tahay mid aan inaga inoo dan ahayn wada hadaladaas oo cida qudha ee illaa iyo hada ka faa’iidaysatay ay tahay Soomaaliya, markaa madaxwaynuhu talaabada uu qaaday waa mid maskax ah oo wanaagsan waxaanu mutaystay inaanu ku taageerno,”ayuu yidhi Cali Guray oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa.

Qaar ka mid ah shacabka Somaliland ayaa iyaguna soo dhaweeyay dhawaaqa ka soo yeedhay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo. Mahad Jaamac, oo ah wiil dhallinyaro ah oo la socda siyaasadaha dalka, ayaa sheegay inuu Madaxweyne Siilaanyo dhawaaqaas ku mutaystay taageero laxaad leh, “Madaxweynaha muddooyinkan dambe aad ayaa loo dhaliilayay, laakiin hadalkiisan u dambeeyay si weyn ayaa loo soo dhaweeyay, waxaanan leeyahay waa go’aan geesinimo.”

Hooyo Nimco Xasan, oo iyaduna ka mid ah hooyooyinka degen magaalada Hargeysa, ayaa tidhi, “Waa hadal wanaagsan, mar haddii uu Madaxweynuhu go’aansaday inaanu Madaxweynaha Somaliya wax u yeedhin, markaas waa mid ka mid ah go’aanadii loo doortay, shacabka haddii aanu nahayna waanu ku taageersanahay.”

Ururka dhallinyarada ee Horseed, oo ka mid ah ururada bulshada ee ka jira magaalada Hargeysa, ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray wuxuu ku sheegay inay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ku bogaadinayaan go’aanka uu ka gaadhay shirkaas London. Guddoomiyaha ururkaas Calawi Cabdi Gaboobe, ayaa warsaxaafadeedkaas wuxuu ku sheegay in hadalka Madaxweyne Siilaanyo yahay mid soo dhawayn mudan.

Sabtidi, shalay inta badan goobaha lagu kulmo ee lagu cabo shaaha, ee Hargeysa waxa ay dadweynuhu ku falanqaynayeen hadalka Madaxweyne Siilaanyo, waxaanay dhammaantood dadku u muuqdeen kuwo soo dhaweeyay hadalkiisa, mar haddii ay dawladda Ingiriisku cadaysay inay shirkaas wada guddoomin doonaan Madaxweynaha Somaliya iyo Raysalwasaaraha Ingiriisku.

Si kastaba ha ahaate, wuxuu hadalka Madaxweynaha Somaliland u muuqdaa mid ay bulshadii dooratay soo dhawaysay oo ay weliba ku bogaadisay.