Wasiir Geeljire Oo Ka Hadlay Doonyo Kalluumaysi Oo Ay Dawladda Djibouti Soo Daysay

1
547

 

Picture5Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa cadaysay inay  Dawladda Djibouti soo daysay saddex doonyood oo ka mid ahaa shan doonyood oo ciidamada ilaalada xeebaha Jabuuti ka kaxaysteen gudaha biyaha Somaliland.

Wasiirka Kaluumaysiga iyo khayraadka badda Somaliland Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jirre) oo shalay saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay inay Djibouti soo daysay doonyahaas oo ah doonyo kalluumaysi oo Somaliland ka haysta ruqsad kaluumaysiga.

 shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa sheegay in dawladda Jabuuti siidaysay saddex doonyood oo kaluumaysato ah oo Somaliland ka haysta ruqsada kaluumaysiga, laakiin ay weli gacantooda ku jiraan laba doonyood oo ganacsi u siday dekedda Saylac ee Somaliland.

Mudane Geel-jirre wuxuu sheegay inay Djibouti fariintaas soo marisay wakiika Somaliland ee dalka Djibouti, “Wasiirka Kaluumeysiga Jabuuti wuxuu Wakiilkeena dalkaasi u sheegay in saddexdii doonyood ee Kaluumeysatada ahaa ay sii daayen”

Isagoo ka hadlaya labada doonyood ee kale ee weli hadhsan wuxuu yidhi “Labada kalena Warkooda waynu heli doona.”

Comments are closed.