Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Maraykanka Oo Sheegay In Aanu Trump Iyo Madaxweynaha Oo Ka Jawaabay

0
503

Dagaalka siyaasadeed ee hordhaca u ah doorashada Maraykanka ka qabsoomi doonta dabayaaqada sannadkan ayaa gaadhay heer siyaasiyiinta qaar ay shaki geliyaan caafimaadka madaxweyne Donald Trump.

Warbaahinta siyaasiyiinta xisbiga dimuqraaddiga iyo guud ahaan kuwa dhinaca bidixda u janjeeda ayaa marar kala duwan sheegay in madaxweyne Trump ay uga shakisan yihiin cudurka unugyada maskaxda dila ee Parkinson.

Calaamadaha ay siyaasiyiintani ku arkeen madaxweyne Trump ee ay ugu maleeyeen in uu xanuunsanayo waxaa ka mid ah Fiidyow dhowaan la faafiyey oo muujinaya Donald Trump oo si aad u taxaddar badan u socda xilli uu ka soo daadagayey masraxa uu hadal ka soo jeedinayey mar uu ka soo qaybgalay xaflad qalinjebin ciidan ahayd.

Trump ayaa la arkayey isaga oo jaranjarrada uga soo dhaadhacaya si uu ka muuqdo taxaddar badan iyo in uu ka cabsi qabo dhicitaan, arrintaas oo markiiba ay ka faa’iidaysteen siyaasiyiinta ay is hayaan, gaar ahaan hawlwadeennada ol’olaha murashaxa mucaaradka Jo Biden oo ay doorashada madaxtinimada isku waajihi doonaan. Farriin ay guddida ol’olaha Biden ku faafiyeen boggooda Twitter ka ayaa ay ku qoreen, “Waa maxay sababta ay Trump ugu adagtahay in uu jaranjarrada ka dego, iyo in marka uu biyaha cabbayey uu gacan keliya koobka ku qabsado? Ma waxa uu qabaa xanuunka Parkinson Disease? … In lanoo jawaabo ayaanu mudannahay?”

Doodda ku aaddan caafimaadka madaxweyne Trump iyo hadallada ku aaddani waxa ay xiise gaar ah sii yeesheen markii madaxweyne Trump uu ka jawaabay. Markii muuqaalka socodka madaxweynuhu si aad ah bulshada ugu dhex faafay, siyaasiyiintanina ku dhaliishay ayaa farriin uu ku faafiyey bartiisa Twitter ka waxa uu ku yidhi, “Sallaanka aan ka soo degey markii aan khudbadda jeedinayey waxa uu ahaa mid aad u dheer, aad u soo foorara, isla markaana aan lahayn gacmo dhinacyada kaga yaalla oo la qabsado. Waxaa taas ka sii muhiimsan sallaanku waxa uu ahaa mid aad looga siibanayo. Waxa keliya ee ii dhinnaa waxa uu ahaa in aan ka dhaco, si aad ugu raaxaysataan wararka been abuurka ah ee dhicistaas laga sameeyo”

Dadka aad u faafinayey fikirka ah in madaxweyne Trump uu xanuunsanayo, gaar ahaan in uu qabo xanuunka Parkinson Disease waxa kale oo ay xujo ka dhigteen muuqaal kale oo la arkay madaxweyne Trump oo biyo ah oo uu cabbayey labada gacmoodba ku qabsaday. Arrintan ayaa ay u arkaan in ay suurtagaltahay in madaxweyne Trump uu ku qarinayo gariirka gacmihiisa. Maadaama oo xanuunkan ay ku tuhmayaan lagu yaqaanno gariir.