Taariikhda Maxamed Baashe X. Xasan Oo Geeriyooday

0
1201

London (Geeska) – Allaah ha u naxariistee waxa Magaalada London ee dalka Ingiriiska ku Geeriyooday Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo ka mid ahaa qoreyaasha reer Somaliland.

Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo ka mid ahaa Qoreyaasha Somaliland, kana soo qayb-qaatay Halgankii dib u xoraynta Somaliland ee jabhaddii SNM ayaa ku Geeriyooday Cisbitaal ku yaalla London oo uu Toddobaadyadii u dambeeyay u jiifay xaalad Caafimaad-darro oo la soo deristay.

Maxamed oo Allaah ha u naxariistee sidoo kalena ahaa ruug-caddaa Saxaafadeed ayaa waxa Taariikhdiisa si kooban uga warramay Abwaan Yuusuf Cabdalle Cismaan (Yuusuf-shaacir) oo ay Saaxiib ahaayeen.

Halkan hoose ka Akhri Taariikhda Maxamed Baashe oo aanu Ka qornay Waraysi uu Abwaan Shaacir siiyey Telefiishanka HCTV.

…………………………………… ……………………..
1. Maxamed Baashe wuxuu 1963 ku dhashay Maygaagle oo ka tirsan Buuhoodle.

2. Wuxuu Malcaamadda ka bilaabay Balli-dhiig, Waxbarashadiisa kale illaa dugsiga sare wuxuu ku dhamaystay Magaalada Hargeysa.

3. 1982 wuxuu ka mid ahaa dhallinyarada UFO ee Hargeysa ka sameeyay Dhagax-tuurkii lagaga soo horjeeday Tacadiyadii Taliskii Maxamed Siyaad Barre.

4. 1983 wuxuu ku biiray Jabhaddii SNM, waxaanu markiiba doorkiisa ka qaatay Idaacaddii Radio Halgan oo ay adeegsan jireen SNM iyo Jabhaddii SSDF.

5. 1987 wuxuu helay deeq waxbarasho, waxaanu fursaddaa waxbarasho ku sii kordhiyey aqoontiisii Saxaafadeed, waxa kale oo uu bartay Cilmiga hoggaaminta Bulshada.

6. Wuxuu deganaa Dalka Holland, laakiin 2000 illaa 2020 wuxuu deganaa Ingiriiska oo uu ku xijaabtay.

7. Wuxuu qoray Buugaagta kala ah, Hal ka haleel, Afka Hooyo Waa Hodan, Guri waa Haween, Buug uu ku ururiyey Suugaantii Abwaan Af-qalooc.”

Geeska.net/Hargeisa Office