Dalal Tababaray Ey Urin Karta Coronavirus Oo Ka Qaybqaadata Xakamaynta Xanuunka COVID-19

0
505

Dunida oo weli dagaal adag kula jirta xanuunka COVID-19 ee uu keeno Fayraska Korona ayaa hadba ikhtiraacaysa hannaan cusub oo xanuunka lagu ogaan karo iyo hab loo daweyn karo ama lagaga hortegi karo. Markanna waxa khadka soo galay hab cusub oo aan hore maskaxda ugu soo degdegeyn, kaas oo ah in ey loo adeegsado aqoonsiga xanuunkan.

Dawladda Faransiiska ayaa ku dhawaaqday in ay bilowday tababarka ey awoodda urintooda looga faa’iidaysto in ay gartaan qofka Fayraskan xambaarsan. Wasaaradda caafimaadka ee dalka Ingiriiska ayaa iyaduna shaaca ka qaadday in ay samaynayso daraasad lagu ogaanayo suurtagalnimada in eydu ay ur ku garan karaan qofka uu ku dhaco Fayraska Coronavirus, ka hor inta aanay calaamadihiisuba qofka ka soo bixin.

Cilmibaadhiso arrintan la xidhiidha ayaa daahfuraya in awoodda urta eydu ay inta u dhexeysa 100 kun illaa hal Milyan oo jeer ka awood badan tahay awoodda urta aadamaha. Daraasaddu waxa ay sheegtay in eydu ay adeegsato 200 illaa 250 Milyan oo unug oo urta oo keliya shaqadoodu tahay, halka unugyada uu aadamuhu urta u adeegsadaa aanay ka badnayn 5 Milyan.

Dawladda Ingiriiska ayaa daraasaddan lagu ogaanayo awoodda eydu u leeyihiin urinta Coronavirus waxa ay ku bixisay lacag doolar ahaan lagu qiyaasayo 607 kun oo doolarka Maraykanka ah.

Arrinta kale ee muhiimka ahi waa in daraasaddan aan lagu ogaan doonin awoodda urta Coronavirus ee edya oo keliya, balse sida oo kale la baadhi doono suurtagalnimada in eydu ur ku ogaan karto xanuunnada ay ka mid yihiin Kansarka, Duumada iyo xanuunka unugyada maskaxda dilka ee Parkinson. Rajada la qabo ayaa ah in eydani ay xanuunnadan urin doonto xill aanay calaamadahoodu weli qofka ka soo bixin. Noocyada kansar ee ay dawladda Ingiriisku doonayso in ay urtooda ku tababarto Eyda waxaa ka mid ah Kansarka ku dhaca qanjidhka xiniinyaha ee ‘Prostate’ ka, kansarka naaska iyo kansarka midhicirada. Habka ay u urinayaanna waa in kaadida qofka la ursiiyo si ay u garataan in uu xanuunnadan qabo iyo in kale.

Sannadkii 2018 kii ayaa ay ahayd markii ugu horreysay ee ay Saynisyahannada Ingiriisku bilaabeen in ay ey u adeegsadaan garashada iyo baadhista xanuunno ay Duumadu ka mid tahay.

Laakiin sannadkii 2015 kii ayaa Saynisyahannada dalka Talyaanigu ay sheegeen in ay ey tababaran u adeegsadaane ogaanshiyaha kansarka ku dhaca qanjidhka ‘Prostate’ ka loo yaqaanno, taas oo u suurtagelisay in ay ogaadaan boqollaal nin oo kansarkaas qaba, iyada oo weliba natiijada urta eyda ka soo baxaysaa ay tahay mid boqolkiiba 98 lagu kalsoonaan karo, sida ay khubaradu sheegeen.