Xirfadaha Iyo Kartiyaha Kala Duwan Ee Ay Ku Fiican Tahay Da’ Kasta Oo Ka Mid Ah Cimriga Aadamuhu (Q.2)

0
679

Hargeysa (Geeska)- Qaybtii Labaad ee Qormo uu turjumay Geeska Afrika oo ay shabakadda Internet ka ee Business Insider ku soo ururisay natiijooyinka cilmibaadhiso iyo sahamin kala duwan, oo ka warramaya xirfadaha ay da’aha kala duwan ee dadku ku fiican yihiin.

9. Caafimaadka lafaha:

Xoogga iyo dhismaha lafaha aadamuhu waxa ay halka ugu sarraysa gaadhaa marka ay da’da qofku gaadho 30 sano, waa da’da ay lafuhu ugu cufan yihiin.

Haddaba waxaa mar kale muhiim ah in qofku uu joogteeyo isticmaalka Kaalshiyaamta iyo Faytamiin D, si uu u ilaaliyo caafimaadka iyo adkaysiga lafihiisa, waayo waxaa hubaal ah in da’dan waxa ka dambeeya ay lafaha aadamuhu hoos u dhac bilaabaan, si taas looga hortagana waa in lagu dadaalo kalshiyaamta oo waxyaabaha ugu fiican ee laga helo ay caanuhu ka mid yihiin.

10. xirfadda Shaxda:

ciyaarta shaxda oo u baahan maskax furnaan, karti go’aan qaadasho oo degdeg ah iyo miisaan, waxa aanay daraasaddani daahfurtay in da’da ay maskaxda aadamuhu ugu fiican tahay ciyaarta iyo xeeladda badinta shaxda ay tahay marka uu qofku 31 sano yahay.

Saynisyahanno ayaa doonay in ay gartaan bal in xirfadda jidheed iyo fikir ay is beddesho mar kasta oo da’da qofku korto, wax yaabaha ay ogaadeenna waxaa ka mid ahaa in boqolkiiba 96 dadka xarfaanta ku ah ciyaarta Shaxda (Chess), ee horyaalka ka noqday tartannada ciyaartan in ay yihiin da’da dhexe, iyo in da’da ay maskaxdu ugu bisishay ciyaartani ay tahay marka ay da’du tahay, 31 jirka.

11. Xusuusta Wejiga dadka:

Marka uu qofku 32 sano jir gaadho waa marka ay maskaxdiisu marayso halka ugu sarraysa ee u bisaylka xusuusta wejiyada dadka ay meelaha kala duwan kula kulanto ama barato.

Cilmibaadhis la sameeyey ayaa daahfurtay in awoodda ay dadku u leeyihiin aqoonsashada wejiga qofka ee dhaqsaha ah iyo xusuusashada wejiga qofka ay mar keliya hore isu arkeen ay maskaxdu ugu fiican tahay marka uu qofku 32 sano jirka yahay. Laakiin sagaal sano kadib, da’dan ayaa ay bilaabataa in ay xusuustu dib u gurato, lagana yaabo in ay qofka ku adkaato xusuusashada wejiyada dadka ay mar keliya uun hore isu arkeen, taas oo inta badan lagu arko in qof ay hore u barteen, mar labaad ay codsadaan in dib loo baro ama loo xasuusiyo.

12. Wax-soo-saarka waxbarashada:

Daraasad lagu sameeyey da’da uu wax soo-saarka aqooneed ee qofku ugu tayada badan yahay ayaa lagu ogaaday in 40 jirku uu yahay dadka ay celcelis ahaan ugu badan yihiin dadka sameeyey cilmibaadhisaha cilmiga ah ee ku guulaysta shahaadada caalamiga ah ee Nobel Prize.

Daraasad uu sameeyey Maxamdka cilmibaadhista dhaqaalaha ee dalka Maraykanka ayaa daahfurtay in da’da ay celcelis ahaan saynisyahannadu sameeyaan cilmibaadhistooda ugu tayada badan, aalaana soo dhoweynta iyo abaalmarinta caalamiga ah la kulantaa ay tahay 40 jirka.

13. Mushaharku waxa uu la kordhaa da’da:

Mushaharka dumarku ku qaataan shaqooyinka xirfadda iyo aqoonta loo qaddariyaa waxa ay halka ugu sarraysa gaadhaan marka ay gabadha da’deedu 39 sano jir tahay, halka raggu ay ugu mushahar badan yihiin marka ay 48 sano jir gaadhaan.

Sahamin ay samaysay hay’adda PayScale ee dalka Maraykanka ayaa lagu ogaaday in Maraykanka ay gabadhu ugu dakhli badan tahay marka ay da’deedu gaadho 39 sano jir, iyada oo aalaaba korodhka mushaharka gabadhu bilowdo marka ay 30 jirka gaadho. Dhinaca kalana ninka ayaa mushaharkiisu halka ugu sarraysa gaadhaa 48 ama 49 jirka.

14. fahamka iyo akhrisashada Shucuurta dadka:

Fahamka shucuurta dadka waxa ay maskaxda qofku ugu fiican tahay marka ay da’diisu marayso Afartanaadka iyo Kontonaadka.

Tijaabo lagu sameeyey dad tiradoodu 10 kun oo ruux gaadhayso, ayaa ay cilmibaadhayaashu ku ogaadeen in dadka da’ahan ku jiraa ay yihiin kuwa ugu qiimayn og uguna fahamka badan shucuurta dhabta ah ee qofka, gaar ahaan marka daymada indhaha uun ay noqoto in shucuurta qofka laga akhristo.

15. Xirfadda xisaabta:

Waxa ay maskaxdu xisaabta ugu fiican awooddaa marka ay da’diisugaadho 50 jirka.

Waa run in yaraan qofku ku barto jadwalka isku-dhufashada iyo guud ahaan aasaaska xisaabta, laakiin haddana waxaa cilmi ahaan run noqotay in dadka da’doodu ay ku jirto Kontonaadku  ay yihiin kuwa ugu fiican uguna dhaqsaha badan ka jawaabidda su’aalaha xisaabta ee sida kediska ah. La soco…