Faytamiin C Oo Si Lama Filaan Ah Loo Ogaaday In Uu Yahay Dawo Ka Adkaan Karta Cudurka Kansarka

0
645

Cilmibaadhis cusub ayaa daahfurtay in Faytamiin C oo aad loo cunaa ay noqon karto dawo si waxtar leh oo sahlan uga adkaan karta cudurka Kansarka. Xeeldheerayaasha daraasaddan cusub sameeyey waxa ay sheegeen in dawadan marka iraab ahaan bukaanka loogu mudo ay awood u leedahay in ay la dagaallanto unugyada kansark, isla markaana ay xakamayso faafitaanka cudurku jidhka ku faafayo.

Waxaa la og yahay in Faytamiin C-ga laga helo khudrado iyo cuntooyin badan oo aynu isticmaalno waxa aanay dhakhaatiirtu ku taliyaan in maalin kasta uu qofku cuno cunto uu ka helayo Faytamiin C-ga uu jidhku u baahan yahay, khudradaha laga helo waxaa ka mid ah Liin macaanta, liin dhanaanta, iyo qaybo badan oo khudradda cagaaran ka mid ah.

Cilmibaadhistan uu Geeska Afrika turjumay oo lagu baahiyey majalad baahisa cilmibaadhisaha la xidhiidha cudurka Kansarka oo lagu magacaabo journal of Cancer Cell ayaa sheegaysa in haddii qofka bukaanka ah lagu mudo Faytamiin C culus, iyada oo dhiigga lagu mudayo (La raacinayo) in ay la dagaalanto kansarka, sidoo kalana kor u qaadayso waxtarka dawada Kiimikaad ee qofka cudurkan qaba lagu daweeyo.

Dhinaca kalana waxa ay xeeldheerayaashu sheegeen in dhibta keliya ee ka dhalan kara xaddiga badan ee Faytamiin C-ga ah ee la siinayo bukaanku in ay tahay kaadida oo ku badata, afka oo ingaga iyo harraadkiisa oo bata.