Xildhibaano Iyo Odayaal Reer Balidhiig Ah Oo Sheegay Inay Ka Baxeen Xisbiga KULMIYE

0
583

Balidhiig(Geeska)-Laba Xildhibaan oo ka tirsan golaha deegaanka ee Burco kana  soo baxay xisbiga Kulmiye, odayaal iyo dhalinyaro ka tirsan deegaanka Balidhiig ayaa ku dhawaaqay inay xidhiidhka u jarayaan  xukuumada iyo xisbiga Kulmiye oo ay ku tilmaameen kuwo ay ku qadeen dadka abaaruhu ay naafeeyeen.

Masuuliyiintan ayaa xukumada ku dhaliilay wax ka badalka hogaanka Balidhiig iyo inay gacmaha ka laabatay dadka abaaruhu ay caydheeyeen. waxaana ugu horayntii halkaas ka hadlay Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamuud Jaamac waxaana isaga oo arimahan ka hadlaaya uu yidhi"Xisbiga Kulmiye waa uu tashaday oo waxa uu sheegay in aanu cidna talo ugu baahnayan, anaguna waxaanu go'aansanay inaanu ka tashano wadashaqayntii xisbiga Kulmiye iyo tii xukuumada Kulmiye, laga bilaabo maantaba waxaanu hakinay oo joojinay wadashaqayntii aanu la lahayn xukuumada iyo xisbigaba, talo balaadhana waanu ka yeelan doonaa, hadaan talada la wadaagin heerdegno ilaa heerqaran xisbinimo jiri mayso, arimahan dhacayaa waxay hordhac u yihiin kalitalisnimada ka soo socota saraakiisha militari ee xisbiga hormuudka u ah, maaha xiligii amarka khasabka laysku faraayay, dal dimuqraadi ah ayaynu joognaa oo talo la wadaleeyahay ayay waxa ku soconayaan, waxaad moodaa xisbiga Kulmiye inay hogaankiisa ugu jirto heestii Saado Cali AHN Ee ( aynu wada tashano, wadatashan mayno), waxaanu leenahay hadii aad ka maaranteen taladii dadka anaguna tiinii waanu ka maaranay, xisniga iyo wada shaqayntiisana halkaas ayaanu dhignay waxii aanu yeelaynana waanu ka tashanaynaa."

Sida oo kale xildhibaan Maxamed Aadan Cali Tuurtuur ayaa isaguna dhankiisa waxa uu halkaas ka sheegay inay go'aan adag ka gaadheen hogaanka xisbiga Kulmiye iyo xukuumadiisaba "Wiigan degamada Balidhiig markii arinta guddoomiyaha la soo qaadqaaday, waxa jooga 21 caaqil oo deegaankan u dhashay iyo 21 gudi ah oo shirkii beereed laga soo doortay labadayadii xildhibaan ee golaha deegaanka, 43 kayagaas oo gobalka Togdheer iyo degamada Burco jooga oo arintaas aan waxba laga waydiin, waxaanu talo bixin ku qornay maanta dhibaato weyn ayaa jira oo abaar baahsan ayaa dhacday, shubankii ayaa la sheegayaa dadku maanta xukuumada ugama baahana dad waraaqo sita oo la soo badalay iyo dad la sii badalay ee waxa laydinka doonayay baad iyo biyo oo xoolihii umaddu waa ka soo jeesataye waxa ay ku noolaato ayaa la sugayay, waxaana talo ku bixinay in aanay maanta hayn in wax la badalo, waxaana naluugu jawaabay waxba laydinka waydiin maayo. markii arintu halkaas gaadhay waxaanu maanta go'aansanay anaga oo xildhibaanadii,odayaashii iyo dhalinyardii ah aanu isku raacsanahay inaanu si toos ah uga tashano xisbiga Kulmiye iyo hogaankiisa iyo xukuumada maanta jirta oo samaysatay laba qof oo ay waxka maqasho. talaabo adag ayaanu qaadaynaa oo aanu dib ka soo sheegi doono."