Xilli Coronavirus Dadka Guryaha Ku Xareeyey Ayuu Ka Adkaysan Waayey Su’aal Ardayaddiisu Qabtay

0
741

Rylee Anderson waa ardayad 12 sano jir ah oo u dhalatay dalka Maraykanka. Waxa ay ka mid tahay malaayiinta ardayada ah ee dunida oo dhan uu Coronavirus sabab u noqday in guryahooda ay joogaan, waxbarashadana neternet kala socdaan.

Sida ay ku warramayso shabakadda wararka ee CNN oo dalka Maraykanka laga leeyahay, Rylee waxaa ku adkaatay masalo xisaabeed, kaddib macallinkeeda xisaabta ayaa ay u dirtay farriin ay kaga codsanayso in uu ka caawiyo fahamkeeda. Waxa ay filaysay in macallinku uu farriin Email ka ah ah ku ekaan doono, inkasta oo ay fahmi weyday sharraxaad uu ugu soo diray. Haddii kale uu taleefanka kala soo xidhiidhi doono. Laakiin waxa uu sameeyey arrin calaamad kale u noqotay wanaagga macallimiinta iyo abaalka ay ardaydooda gashadaan, oo horeba loo ogoaa. Waxa la soo garaacay jaraska guriga, waa macallin Chris Waba oo sita sabuurad yar, soona istaagay barandaha hore ee guriga meel ku began daaqadda.

Waxa uu ugu talagalay in ardayaddiisu ay daaqadda soo istaagto kaddibna halkaas ka eegto tallaabooyinka uu qaadayo marka uu ka shaqaynayo masalada, maadaama oo aanu nidaam ahaan sax ahayn in uu guriga soo galo Karantiinka xanuunka Coronavirus awgeed.

Qisadan oo soo jiidatay dareenka rayulcaamka, ayaa ardayaddan oo la weydiiiyey waxa ku kallifay in ay macallinka wacdo, waxa ay sheegtay in xisaabtan oo Aljebra ahayd ay aad ugu adkaatay, waalidkeedna aanay caawimo badan ka filayn, sidaas awgeed ay macallinka u qayshatay. “Mar hore oo ay hooyo I caawisay, masalooyinkii ay igala shaqaysay oo dhami qalad ayaa ay noqdeen” ayaa ay Anderson ku tidhi talefishanka CNN.

Macallinku in kasta oo uu ardayaddiisa u yimi, haddana waxa uu ilaaliyey amarka kala fogaanshiyaha bulshada ee xanuunku keenay, sidaas awgeed ayaanu bannaanka u soo istaagay. Toban daqiiqo ayaa uu Waba ardayaddiisa ku fahamsiiyey habka loo furfurayo masaladan oo aanu ka tegin illaa uu hubiyey in ay ka shaqayn karto masalooyinka la midka ah. Raylee daaqadda ayaa ay kala socotay sabuuradda ay muraayadda daaqaddu u dhexeyso, iyada oo madaxa u lulaysay waxa ay fahamto waxa aanay fahminna dalbanaysay in mar kale uu macallinku ku celiyo. “Macallinku si fudud ayaa uu ii fahamsiiyey. Aad baan ugu faraxsanahay imaanshiyihiisa” ayaa ay tidhi.

Raylee Aabaheed oo guriga joogay, ayaa markii uu ka warhelay arrintan waxa uu doonay in uu xusuus ka reebo dhacdadan, waxa aanu qaaday sawirro kala duwan, oo uu ku faafiyey bartiisa twitter ka. Taas oo sabab u noqotay in ay qisadani bannaanka ugu soo baxday. Kaddib markii boqollaal dad ahi farrintan dib u sii faafiyeen kumannaan kalana xiise u muujiyeen (LIKE).

Macallin Waba oo muddo 25 ssano ah bare xisaabta dhiga ka ahaa dugsiga dhexe ayaa sheegay in go’aankani uu si kedis ah ugu dhashay, kaddib markii uu arkay in Raylee aanay fahmin casharka. Isaga oo intaas ku daray in uu yahay dadka aan ku fiicnayn in ay taleefanka wax ka sharraxaan, sidaas awgeed uu doonay in uu soo hor istaago ardayaddiisa masaladan la dhibbanayd. Isaga oo intaas ku daray in farxadda macallinku ay dhammaystiranto marka uu arko ardaygiisa oo inta uu casharka fahmay farxad la dhoolla caddaynaya.