Saacaddaada Ayaa Ka Qaybqaadanaysa Ka Hortagga CORONAVIRUS, Kuna Xasuusinaysa Fara Dhaqashada

0
616

Ka hortagga ‘Coronavirus’ waxyaabaha ugu muhiimsan waxaa ka mid ah in faraha joogto saabbuun loogh daqo iyo in laga feejignaado in wejiga, gaar ahaan afka, sanka iyo indhaha la taabto iyada oo aan la fara xalan. Laakiin waxa ay noqotay arrin qof kastaa dhib kala kulmo. Waxaa adkaatay in qofku garto tirada inta jeer ee uu faraxashay iyo waqtiga uu u dhexeysiiyey laba faraxal oo kasta, iyo inta jeer uu uu wejiga taabtay isaga oo aan faraxal saacado badan. Arrintaas xalkeeda waxaa keentay shirkadda google.

Shirkadda Google ayaa samaysay adeeg saacadaha casriga ah lagu soo dejisan karayo oo lagu magacaabo “Hand-wash Timer”

Adeeggan ayaa marka saacadda lagu soo dejiyo waxyaabaha uu qofka ka caawinayo waxaa ka mid ah in uu u tiriyo waqtiga uu faraxalanayo.

Hay’adda caafimaadka adduunka iyo xarunta xakamaynta xanuunnada iyo ka hortaggooda ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in waqtiga ugu habboon ee ay tahay in qofku wado faraxalku ay tahay ugu yaraan 20 ilbidhiqsi si uu u hubiyo in uu dilay ama maydhay Fayrasku haddii uu gacantiisa saarnaa. Adeeggan cusub ee Google waa ay sii kordhinaysaa feejignaanta arrintan waxa aanay qofka u tirinaysaa 40 ilbidhiqsi. Inkasta oo ay qofka u ogolaanayso in uu dib u buuxiyo si uu uga dhigo 20 ilbidhiqsi. Haddaba faraxalkaas laga bilaabo saacadda Google waxa ay tirinaysaa muddada u dhexeysa faraxalkaas iyo faraxalka ku xiga isaga oo tirinaya saddex saacadood oo marka ay dhammaadaan ay saacaddu samaynayso dhawaq digniin ah.

Barnaamijkani waxa uu illaa hadda ku shaqanayaa saacadaha ku shaqeeya nidaamka Android, gaar ahaan kuwa ay sameeyaan shirkadaha Huwawei, LG Watch, Samsung Watch, Tic Watch, HTC, iwm.

Saacadda Apple ayaa iyaduna leh adeeg lagu magacaabo ‘Touch Guard, oo dhawaaq digniin ah soo saaraya mar kasta oo ay gacantu u dhowaato afka. Sida oo kalana kuu sheegaya tirada inta jeer ee aad wejigaaga taabatay.