Saylici Oo Sheegay Inuu Maanka Ku Hayo Inuu Noqdo Murashaxa Xisbiga KULMIYE

0
614

Hargeysa (Geeska) – Xukuumadda Somaliland ayaa saadaalisay in Tirada Dadka uu hayo Xanuunka Covid_19 ay ka badnaan karaan lixda Qof ee illaa hadda la shaaciyey.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ahna Guddoomiyaha Guddiga u diyaar-garowga iyo ka hor-tagga Xanuunka Covid_19, Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa sheegay In laga yaabo in Dadka Somaliland ku sugan ee qaba ama uu hayo Xanuunka dunida ku faafaya ee Covid_19 ay tiradoodu ka badan tahay lixda Qof ee illaa hadda Guddida Qaranka ugu xil-saarani shaacisay.

Mudane Saylici oo ka jawaabayey su’aal la xidhiidha in Dadka qaba xanuunka Covid_19 ee Somaliland joogaa ka badnaan karaan inta la shaaciyey oo uu waydiiyey Weriye Cabdisalaan Ibraahim Hereri oo ka tirsan Telefiishanka Universal, ayaa yidhi  “Waa Suurto-gal (In Dadka Xanuunka Covid_19 hayaa ka badan yihiin Lixda la shaaciyey), Maaddaama oo aynaan samaynayn baadhitaan joogto ah..”

Dhanka kale, Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo la waydiyey maaddaama oo uu muddo dheer ahaa ku-xigeen inuu doonayo inuu noqdo Guddoomiye, haddii xilligan uu socdo loolanka ku saabsan Cidda noqonaysa Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, “Dabcan…way igu jirtaa, sababtoo ah Cid iiga xaq mudana ma jirto, waayo? Waxaan ahay Aasaase (Xisbiga KULMIYE)..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey isagoo ka jawaabaya su’aal laga waydiiyey sababta uu uga dhex muuqan waayay Siyaasiyiinta loo hadal hayo inay Musharraxiin yihiin “Wax shan sano kaa xigto ayaan musharrax u ahay, waxaad la mid tahay Nin Qorigiisa ka sii furay Gabiley oo Rasaastii sii dhameeyay, isagoo dagaalku Wajaale ka socdo, markaa maxaad la gaadhi Aaggii dagaalku ka socday..”

Ugu dambayn, Dawladda Somaliland ayaa hore u shaacisay in Xanuunka laga helay Dad tiradoodu dhan tahay 6 Qof, kuwaasi oo Shalay Wasaaradda Caafimaadku sheegtay in saddex ka mid ahi ka bogsadeen.

Somaliland ayaan illaa hadda hawl-gelin Mishiin Hay’adda WHO ugu deeqday oo loogu talo-galay in lagu baadho xanuunka Covid_19, kaasi oo haddii la hawl-gelin lahaa si joogto ah loogu samayn lahaa baadhitaano Caafimaad, halka imika qofka laga shakiyo dheecaankiisa loo diro Dalka Kenya.