Xildhibaanno Gole Baarlamaan Yimid Iyaga Oo Qaawan Oo Cagaagan Si Ay Uga Qaybgalaan Kulan Xasaasi Ahaa

0
590

1Sydney (Geeska)- Xildhibaan ka tirsan golaha baarlamaanka gobalka Queensland ee dalka Ustareeliya ayaa iska soo xaadiriyey hoolka fadhiyada ee xarunta baarlamanka iyaga oo qaawan, qaarkoodna dhar aanay habboonayn in dibadda loola baxo xidhan yihiin, kadib markii goor dambe oo habeennimadii ah looga yeedhay hoolka fadhiyada ee Baarlamanka si ay uga qayb-qaataan codayn xasaasi ahayd oo dhacaysay waaberiga maalintii Khamiista ee bisha Noofambar 10 ahayd. Sidoo kale waxaa xarunta baarlamanka yimid xildhibaanno kaba la’aan ku socda iyo kuwo saraawiil gaagaaban iyo garamaanta ciyaartoyga xidhan, sida uu ku warramay wargeyska The Guardian ee ka soo baxa dalka Ingiriisku.

Waxa se ugu yaab badnaa xildhibaan maro yar oo keliya ku qarinaya laabtiisa qaawan, arrintaas oo dad badani u arkeen in ay meel ka dhac ku tahay dadka ay xilka u hayaan. Waxaa golaha habeenkan iyaguna joogay laba wasiir oo ka tirsan xisbiga shaqaalaha ee talada dalkaas haya, labada wasiir oo ahaa haween magacyadoodu yihiin Kate Jones iyo Jackie Trad ayaa la arkayey iyaga oo qosol, dheel-dheel iyo jaas caragsi ah la dhex taagan golaha, kadib markii ay arkeen xildhibaanada xisbiga Liberal ka ee ay is hayeen oo iyaga oo qaawan, qaarkoodna cagaagan yihiin oo amar guddoomiye kaga soo kacay qolalka hurdada ee xarunta baarlamanka oo ay nasasho ahaan saacado kooban u seexdeen kadib markii maalintaas oo dhan ay ku soo jiree doodda xeerkan, goor ay saacaddu dhaaftay 2.30 habeennimo ayaana dib loogu yeedhay.

In kasta oo ay xildhibaannada baarlamanka ee mucaaradku diidmada iyo cadhada xeerka horyaallay ay ka qabaan dartii dharka iyo kabahaba u dhigteen, haddana nasiib darradooda waxa ay ku guuldarraysteen codaynta oo 42 xildhibaan oo muxaafadka ahi ku muquuniyey codkooda oo ahaa 32 xildhibaan ka hor intii aan kulankan la xidhin saddexdii habeennimo.

Doodda baarlamanka hortaallay ayaa la xidhiidhay xeer ogolaanaya in shirkadaha biyo sixaha sameeya la siiyo rukhsado ay ku samaysan karaan warshado biyaha sifeeya, arrintaas oo marka hore mamnuuc ka ahayd gobalka waxaa aad ugu ol’olaynayey xisbiga talada haya laakiin mucaaradad adag ayaa kaga tidmid dhinaca mucaaradka.