Xildhibaan Ka Tirsanaa Guurtida Oo Saaka Lagu Aasayo Hargeysa

0
482

Hargeysa(Geeska)- ALLE ha u naxariistee waxa Salaasadda maanta xabaalaha Naaso-hablood ee magaaladda Hargeysa, si heer qaran ah loogu aasayaa Marxuum- Ibraahim Aw Nuur Jiciir, oo ka mid ahaa odayaashii kaalinta weyn ka soo qaatay nabadeyntii beelaha Somaliland, oo muddo dhawr sannadood ah ku xanuunsanayay Hargeysa oo uu ku geeriyooday Isniintii shalay.

Marxuum-Ibraahim Aw Nuur Jiciir, muddo laba sannadood ka hor, iska casilay xubinimadii aqalka odayaasha (Guurtida) oo uu sheegay inaanu xanuun dartii u gudan karin waajiibaadkiisii shaqo, waxaana buuxiyay xubinimadiisii Golaha Guurtida wiil uu dhalay oo la yidhaahdo Muuse Ibraahim Nuur.

ALLE ha u naxariistee waxa Marxuumku door weyn ka soo qaatay nabadeyntii beelaha iyo hubka dhigistoodii iyo dhismihii dawladnimadda Somaliland.