Faa’idooyinka Ay Leedahay In Qofku Maalin Kasta Xabbad Beed Ah Oo Karsan Uu Cuno

0
720

1Washington (Geeska)- Daraasad cusub ayaa daahfurtay in xabbad beed ah oo maalin kasta la cunaa ay yarayso khatarta ah in qofka uu ku dhaco dhiig-furan maskaxda ah iyo faalig, sidoo kalana ay ka hortagto qaar ka mid ah cudurrada wadnaha ku dhaca. Cilmibaadhistan oo lagu faafiyey shabakadda Bold Sky ee arrimaha caafimaadka ka faalloota ayaa sheegtay in xabbad beed ah oo qfku uu cuno maalin kasta ay boqolkiiba 12 yarayso in qofkaas uu dhiigfuran maskaxda ahi ku dhufto.

Xabadda beedka ah ayaa ay khubaradu sheegeen in ay ku jirto qiyaas ah 6 giraam oo Barootiin ah, maaddooyin la dagaallama sunta jidhka ku abuuranta, maaddooyinka Lutein iyo Zeaxanthin, Faytamiinnada A. D iyo E.

Dominique Alexander oo ah cilmibaadhe sare oo hoggaaminayey xeeldheerayaasha daraasaddan sameeyey, kana tirsan maxadka Epidstat institute ee xaruntiisu tahay gobalka Michigan ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in beedka ay ku jiraa curiyeyaal nafaqo oo faa’ido badan u leh  caafimaadka, isla makaana uu awoodo in uu yareeyo qulubka iyo culayska nafsiga ah, sidoo kalana uu ka hortag fiican u yahay ol’olka jidhka iyo maraaqa xaglaha, arrinta kale ee muhiimka ahi waxa ay tahay in beedka oo cunistiisa la joogteeyaa ay dejiso dhiigkarka sarreeya.

Daraasaddan oo si gaar ah baadhis ugu samaysay daraasado iyo tijaaboyin arrintan la xidhiidha oo la sameeyey intii u dhexeysay sannadihii 1982kii illaa 2015kii, dad ka badan 2.7 Milyan oo qofna ay ka qayb qaateen, ayaa lagu xaqiiqsaday in beedku uu xidhiidh yar la leeyahay caafimaadka wadaha, laakiin uu xidhiidh togan oo xooggan ku leeyahay ka hortagga khatarta dhiig-furanka maskaxda iyo faaligga.