Xildhibaan Xoog Oo Madaxtooyada Ku Eedeeyay Inay Ka Dambaysay Burinta Isku Shaandhayntii Wakiilada

1
513

Picture5Hargeysa (Geeska) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Xoog), ayaa tallaabadii Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladu Baashe Maxamed Faarax, kaga hor-yimid isku-shaandheyntii Guddi-hoosaadyada Golahaasi ku tilmaamay sida Madaxwayne ku xigeenka oo ka hor yimid Wasiirro uu Madaxwaynuhu Magacaabo.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog, waxa uu sheegay in go’aankaasi ahaa mid aan ka iman Baashe, balse Madaxtooyadu uga yeedhay isaga oo safar ku marayey Magaalada Dubai.

Xildhibaan, Cabdiraxmaan Xoog, oo ka hadlayay shir xisbiga Waddani ku qabsaday wadanka Ingiriiska, ayaa isaga oo arrimahaa ka hadlaya yidhi  “Guddoomiyuhu wuxuu kala tashaday (Isku-shaandheynta) guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo ku xigeenka labaad, waxay isku raaceen in sal iyo baar la isku bedallo guddi hoosaadyada, laakiin markii Guddoomiyuhu soo baxay (Guddoomiye Cirro safarka dibadda ugu baxay), ayaa guddoomiye ku xigeenkii koowaad Baashe oo Dubai maraya Madaxtooyada ama xukuumaddu u yeedhay, waxay ku yidhaahdeen warqaddan saxeex oo waxaad beenisaysaa arrinkii uu Guddoomiyuhu sameeyay”

Xildhibaan, Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac, waxa uu sheegay in diidmada Baashe la mid tahay Madaxwayne ku xigeenka oo diiday Wasiirro uu Madaxwaynuhu Magacaabay “Arrinkaasi, wuxuu la mid yahay Madaxwaynaha oo Magacaaba Wasiiro, Madaxwayne ku xigeenku uu yidhaahdo waxba kama jiraan”ayuu yidhi.

 

Comments are closed.