Siyaasi Sheegay Inuu U Sharaxanyahay Jagada Madaxweyne-xigeenka Xisbiga Waddani

1
599

Picture4UK(Geeska)- Dublamaasi sare Maxamed Cali Cabdi, ayaa dalka Ingiriiska si rasmi ah ugaga dhawaaqay inuu u tartamaayo musharaxa madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga Waddani.

Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa shirweynihiisii koobaad ku qabsaday dalweynaha Ingiriiska magaaladda Birmingham, shirkan oo sannadkiiba mar ka qabsooma carriga Ingiriiska waxa ka soo qaybgalay masuuliyiinta ugu sarsaraysa xisbigaas oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac Xoog, Maxamed Saleebaan Wayne wasiirkii hore ee warshadaha Somaliland.

Shirkan oo si weyn loo soo agaasimay waxa ugu horayn ka hadlay Dublamaasi sare Maxamed Cali Cabdi oo ku dhawaaqay inuu u tartamaayo jagada musharaxnimada madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga Waddani, isaga oo xusay inay beesha caalamka Somaliland qadiyadeeda ka iibin doonaan hadii ay doorashooyinka ku soo baxaan.

Dublamaasi sare Maxamed Cali Cabdi ayaa muddo badan ku soo shaqeeyey diblamaaysiyada isaga oo safiir ka soo noqday badiba dalalka Yurub, intii aanay Somaliland goonida isu taagin, waxaanu ku takhasusay xidhiidhada caalamiga ah iyo diblamaasiyada kuna haystaa shahaadada sare ee PHD.

Masuuliyiinta iyo xubnaha xisbiga WADDANI UK ayaa aad u soo dhaweeyey musharax Maxamed Cali Cabdi oo in muddo ah ku sugnaa carriga Ingiriiska.

 

Comments are closed.