Faysal Cali Waraabe Oo Xukuumadda Ku Canaantay Sida Ay Uga Aamustay Taleex, Kana Hadlay Shirka Doodda Qaran

1
885

Picture6Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Eng.Faysal Cali Waraabe, ayaa ka dayriyay xaalada dalka,isaga oo ku cel celiyay in aanu dalka maanta ka jirin hoggaan midaysan.

Guddoomiye Faysal Cali waxa uu xukuumadda sida oo kale ku dhaliilay inay afka ka xidhatay dhulka iyo dadka reer Somaliland ee ay Puntland xooga kula wareegtay,waxaanu sida oo kale canbaareeyay siyaasiyiinta gobalka Sool oo uu ku tilmaamay kuwo aan xilal doonan karin ilaa ay daadiyaan dhiiga dadkooda.

Waxa uu sidan ku sheegay guddoomiye Faysal Cali Waraabe waraysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska Geeska Afrika, waxaanu ugu danbayntii madaxweyne Axmed Siilaanyo ku xasuusiyay hadalo hore uu uga yidhi shirkii dood qaran ee ay wakhtigii Rayaale wada jirka u qabteen, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan“Iyada oo maanta Somaliya nabad loo doonayo in dhul Somaliland ka mid ah dagaal lagu soo qaadaa aad ayay u xuntahay,waxaan aad iyo aad u canbaaraynayaa siyaasiyiinta ka dhashay beeshaas gobalka Sool iyaga oo aan aqoon inay kursi doontaan ilaa ay dadkooda dhiiga ka daadiyaan,waad ogaydeen dagaaladii hore ee wakhtigii Khaatumo la sameeyay ragbaa dagaladii iyo dhiigii ku daatay ku doontay darajo oo xildhibaano ka ah Muqdisho,hadana kan ka socda beeshaas ee ciidamadda keenay Taleex waxa uu doonayaa inuu musharaxnimo Puntland kaga helaan, markaas waa wax aan la arkin dad ilaa ay dadkooda laayaan aan kurisi doonana karin,aad ayaan uga xumahay arintaas dadkii dhintayna alle naxariistii jano haka waraabiyo, inta kalena waxaan leeyahay dhibka halaga daayo waayo waa dad aan 22 sanadood aan dawlad arkin,dugsi loo dhisin,biyo helin,Waddo iyo daryeel kale toona aan helin, in maanta lagu gorgortamo dhiigooda oo kursi lagu doontaa aad iyo aad ayaan xisbi ahaan iyo shaqsi ahaanba u canbaaraynayaa.”

Guddoomiye Faysal Cali oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Somaliland ka aamusnaanteeda arintaasuna waxay ku tusaysaa inay ku soo ururtay beeshii dhexe,Buuhoodle waad ogtahay oo wax ka socda shirar ay Khaatumo wado,Puntland ayaa bargii Sanaag iyo Taleexba joogta,markaas waxa aad arkaysaa in dawladdan maanta aanay ahayn mid ilaalinaysa xuduudii dalkani lahaa, oo aanay ka dhab ahayn jiritaanka Somaliland,ayna tahay dawlad wax kale u jeeda, dadkiina ka dhigtay mucaarad iyo muxaafid,dawladii wan ka dhigtay anagana waraabayaal wankii cunaaya naga dhigtay, markaas waa waxyaabaha aanu aragnay ee uu dalkii kaga leexday wadadii fiicnayd ee lagu socday laguna soo noolaa,markaas waxay aamusnaantani gacan siisay dadkii lahaa Somaliland ma jirto ee waxa jira beel meel uun goosatay,dawladuna waxay ahayd inay daafacdo haday leedahay shacbiga reer Taleex anagay naga tirsan yihiin, laakiin may daaficin oo Xamar ayaa ka hadlaysa oo aduunkii kale ayaa ka hadlaaya, iyadiina shibtay ka gashay, waxay shibta uga gashayna garan mayno illaa hada, taas ayaa ku tusaysa in aan hogaan dawladeed oo midaysani dalka ka jirin.Anagu waxaanu nahay mucaarad.”

Isagoo Faysal Madaxweynaha xasuusinaya shirkii doodda qaran ee ay 2006 wada qabteen, wuxuu yidhi, “Waxaan leenahay waar aan tashano oo aan is qiimayno,waanagii hore shirka is qiimaynta ah u galnay, waa kii Siilaanyo afkiisa kaga lahaa Rataale madaxtinimadu waanu kuu ogalnahay laakiin  danta qaranka iyo taladuba waa ay inaga dhaxaysaa, waxiiba hadana waxay u badalayaan kaanbayn anaga nalagu xumaynaayo oo awoodo aanay samayn karayn ayay isku qaadeen.”

Ugu danbayntii waxa uu guddoomiye Faysal Cali Waraabe hadalkiisa ku soo gunaanaday sidan“Waadigaas arkaaya dadkii danbiyada loo haystay in la soo daynaayo, oo Hubaal ninkii loo hayayba waataas la soo daayay, waxaana soo daayay ayaa la leeyahay ninkii saldhiga haystay, qofba halka uu doono ayuu dalkan maanta xukumaa,qofba waxa uu doonayo ayuu samaynayaa.”

 

Comments are closed.