Xildhibaan Ku Eedeeyay Madaxweyne Axmed- Siilaanyo Iyo Xukuumadiisa Inay Ku Ciyaarayaaan Qaddiyadda Somaliland

0
869

Dheeg

Hargeysa (Geeska)- Xildhibaan Maxamuud Maxamed Yaasiin (Dheeg) oo  ka tirsan golaha guuritda Somaliland, gaar ahaana guddi hoosaadka arrimaha dibda iyo xidhiidhka caalamiga ah ayaa shirka ay xukumadu ka qayb gashay ee dalka kiinaya ka dhacay ku tilmaamay mid lagu wiiqaayo jiritaanka iyo qaranimada jamhuuriyada Somaliland.

Xildhibaan Maxamuud Maxamed Yaasin (Dheeg) ayaa intaas ku daray in aanay jirin shir si gaara loogu casuumay Somaliland oo ay la yeelanaayaan golaha amaanka ee qaramada midoobay, hase ahaatee ay jiraan casuumado ka duwan kuwa uu sheegay wasiirka arrimaha dibadu markii uu ka dhoofaayey magaalada Hargeysa.

Xildhibaan Dheeg oo shalay nagu soo booqday xarunta wargeyska Geeska Afrika ayaa waraysi aanu la yeelanay wuxuu u dhacay sidan:

Xildhibaan Maxamuud Maxamed Yaasin (Dheeg) waxaad nagu soo booqatay xafiiska wargeyka Geeska Afrika, adiga oo jecel in aad ka hadasho arrinta shirka Nayroobi ee ay ka qayb galeen wafti ka socda Somaliland sida uu doonaba ha u dhacee, waa maxay aragtidaada ku aadan shirkaas iyo ka qayb galka Somaliland?

Waxaan u arkaa qadiyadii Somaliland ee aynu labaatanka sano u soo samraynay ee aynu dastuurkeenana boqokiiba 97% ugu codaynay HAA, xuskii 18 May-na ay boqolkiiba boqol caalamka ugu muujisay Somaliland sida ay uga go’antahay gooni isu taageedu, sidaas daraadeed waxaan u arkaa in maanta tacabkii oodhan lagu bur burinaayo Nayrobi.

Waxaan halkan idiinku imi markii aan xamili waayey waxaan soo arkay oo ah qadiyadii Somaliland oo la dakh-dakhraayo, taas oo uu xil iga saaran yahay. Waxaan ogahay oo aan arkay inay la fadhiyaan maamuladi galmudug iyo ximin iyo xeeb, kuwaas oo ay la mid yihiin sida ka muuqata shirkaas.

Waxaa meesha loo tagay waxa weeyaan in labada nin (Labada Shariif ee Muqdisho) iyo burburka Somaliya ka socda sidoo loo soo af jari lahaa. Markii uu wasiirka arrimaha dibadu madaarka ka dhoofaayey warkii uu Somaliland u sheegay iyo qiimaha uu meesha ku fadhiyaa waxay isku yihiin inta ay cirka iyo dhulka isku jiraan. Wuxuu inoo sheegay in si gaara loo casuumay. Looma casuumin, waana wax runta ka fog haddii uu taas yidhaahdo. Waxaa loo casuumay sida galmudug loo casuumay oo kale.

Dan jire Mahiga ayaa la weydiiyey in aan Somaliland looga baran halkan ay fadhido ee maxaa keenay? Su’aashaas wuu ka aamusay inta uu dhoola cadeeyey, markaa qolo kastaaba qol gooniya ayey fadhidaa oo kolba qaar ayaa loo yeedhayaa oo la weydiinayaa sida loo wajihi karo xalka Soomaaliya, mana jirto wax inaga (Somaliland) si gaara la inoogu soo casuumay, haddii la ina casuumay maxaa ina dhex eryey. Nin ayaa laga hayey laxdan waan gartay oo ilmaheedii ayey ku ordaysaa ee tan kale maxaa daba eryaaya, wuxuu yidhi waxaa daba eryayaa salbabakh. Somaliland waxa wadaa waa salbabakh waana qadiyada Somaliland oo lagu ciyaaraay.

Madaxweynuhu maalintii dhaweyd wuxuu yidhi haddii Somaliland boqol sanno ay ku qaadanayso gooni isu taageedu in la sugu oo loo samro weeyaan, wasiiradiisiina wuxuu u dirayaa meel arrimaha Somali weyn lagaga hadlaayo. Maalinti dhaweyd wasiirka arrimaha dibadu wuxuu yidhi waxaanu ku dadaalaynaa oo aanu ku dhibtoonaynaa sidii Soomaaliya nabad looga dhalin lahaa. Adeer muu laascaanood iyo buuhoodle ka dhaliyo nabadda uu xamar u doonaayo. Soomaaliyaba ma doonayso inay nabad ku noolaato oo way ka xun yihiin waligoodna may odhan Somaliland ha noolaato. Somaliland waxaa lagu ogaa oo caalamka sanka ku qabatay dooni mayno meesha ay joogaan dawlada Soomaliya, way na xasuuqeen, haddase waxaynu tusnay in aynu u nuglaanay arrimohooda. Caalamkii oodhan ayaa isugu tagay xalka Soomaaliya oo nabad iskugu keeni la, maxaad ka tari kartaa waxaad tahay waslada yar oo iyadu doonaysa inay dhoobadeedii qoosh qooshato oo labadii meelood ee ay dhibaatooyinku ka jireen nabad ku soo dabaali kari la.

Baarlamaanka iyo guurtida, gaar ahaana guddigiina arrimaha dibada ka hor intii aan la qaadan go’aanka ah in laga qayb galo shirka Nayrobi ka baarlamaan ahaan xukumadda iyo wasiirkuba ma idiinla yimaadeen ka qayb galka shirkaas?

Waxba noolamay iman, sidii ay maalin hore u yidhaahdeen xukumad ahaan wixii aanu arrimaha dibada kaga shaqayn jirnay waanu bedelnay, ilaa maanta waxaanu eegaynay wixii ay ku badaleen, hase ahaatee waanu aragnay maanta. Si cad ayey waliba dadka oo dhan ugu muuqataa wixii ay ku badaleen.

Haddii aad shaaca ka qaado qaabka ay xukumadu u badashay siyaasadii arrimaha dibada, inaga oo badka soo dhigayna mawqifkooda arrimaha dibada ee ay badaleen adna aad sheegtay maxaad odhan lahayd way ku badaleen?

Waxay ku badaleen inay la mid noqdaan ururada Soomaaliya ka jira, inay la mid noqdaan ayey u badaleen qaabka ay imika u socdaan ee uu meel walba kaga waramaayo wasiirka khaarajigu, taas oo aan leeyahay madaxweynuhu wuu la og yahay, haddii aanu la ogayn kaas oo kale umuu direen goobta, iyada oo la arkaayo halka uu maanta Somaliland ku sii wado.

 

Wargeyska Geeska Afrika