Booliska Berbera Oo Xabsiga U Taxaabay Maareeyihii Shirkada TOTAL

0
1102

Total_Petrol

Berbera (Geeska)-Ciidanka haamaha shidaalka magaalada Berbera, kadib markii sida uu sheegay taliyaha ciidanka booliska Md. Cilmi Rooble Furre  inay ka dhaga adaygeen amarkii uu madaxweynaha Somaliland ruqsada kagala noqday shirkada Total todobaadkii hore.

Maamulaha keydka haamaha shidaalka Sacad Cilmi iyo xisaabiyaha shirkada Total ee qaybta shidaalka Cabdikarin Xuseen Cilmi ayaa xadhigood lagu saleeyey amar diido, kadib markii ay ku gacan saydheen inay wareejiyaan xisaabaadka iyo furayaasha haamasha shidaalka kuna wareejiyaan xukumada.

Dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay waxa nawaaxiga haamaha shiidaalka lagu arkaayey ciidamo ilaalo gaara ka haya xayndaabka haamaha, waxaana lagu soo waramayaa in habeen hore ciidanka booliska ee gobolka saaxil ay xabsiga u taxaabeen saddex nin oo lagu eedeeyay inay qas ka wadeen goobta laga maamulo haamaha shiidaalka. Laakiin weli lama xaqiijin qaskaas,  maadaama oo aanay Boolisku faahfaahin ka bixin.

Sidoo kale qaar ka tirsan shaqaalaha haamaha shiidaalka ayaa ka cadhooday shaqada istaagtay iyo xuquuqo ay sheegeen inay ilaa hadda ka maqantahy, taas oo aanay jirin sida ay u dhigeen hadalkooda meel ay u raacaan iyo cid ay u qabsadaan