Baligubadle: Madal La Isku Arkay Oo Loogu Wanqalay Hoteelka Cusub Ee Al-Xayaat

4
907

Baligubadle(Geeska)-Wasiirka Beeraha Somaliland Faarax cilmi Geedoole oo ay weheliyaan Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta, Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), Guddoomiyaha Hay’adda NDC Jamaal Caydiid Ibraahim, Agaasimaha Madaxtooyada Maxamuud Cabdilaahi Xarbi iyo masuuliyiin kale ayaa shalay xadhiga ka jaray Hotel Hurdo oo Casri ah oo laga hirgeliyay Magaaladda Baligubadle ee xarunta gobolka Hawd.

Hutelkan oo lagu magacaabo Al-xayaat ayaa waxa ka hirgeliyay magaaladda Baligubadle Xuseen Cabdilaahi Dacar (Xuseen Geesh) oo ka mid ah ganacsatada Somaliland, waxaana furitaanka hoteelkaas loogu wanqalay  xaflad balaadhan oo loo sameeyay oo lagu qabtay barxadda hoteelkaas.

Ugu horeyn waxa halkaasi hadalo koob-kooban ka soo jeediyay Mulkiilaha Huteelka Al- Xayaat Xuseen Cabdilaahi Dacar, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa ‘Marka hore waxa aan salaam qiimo badan u soo jeedinayaa dhamaanba masuuliyiinta iyo marti sharafta tirada badan ee safarka dheer u soo galay in ay xaflada furitaanka huteelkan oo runtii aan ka dhisay magaaladda Baligubadle oo ah halkii aan ku dhashay, waxaanan mar walba diyaar u ahay in aan ka qayb qaato horumarka magaaladda”

Cabdikariin Maxamed Xaaji Cali oo isna halkaas ka hadlay ayaa tilmaamay in huteelkan  cusubi uu wax badan ka bedeli doono habsami u socodkii hawlaha gobolka waxaanu yidhi ‘Runtii hudheelkan cusubi waxa uu naga furtay xilkii iyo warwarkii mar kasta naga haysan jiray martida tirada badan ee magaaladda, waxaanan ilaahay uga baryayaa mulkiilaha in halkii uu ka soo saaray maaliyadda ugu bedelo mid ka badan oo waliba khayr wadata.

 

Badhasaabka gobalka Hawd Md. Jamaal Xuseen Hurre, oo isna halkaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyay in maalgashi lagu sameeyo gobalka, waxaanu ammaan u diray ganacsadaha hoteelkaas maalgeliyay.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac)  o isna halkaas ka hadlay ayaa yidhi waxaanu yidhi “Huteelkani waxa uu dheer yahay huteeladda kale markii aanu seexanay ayaa waxa aroornimadii naloo lisay caano geel, mid kalena wuu dheeryoo waa waxa uu ka dhisan yahay xaruntii laga xoreeyay dalka, laakiin waxa ka maqan oo keli ah wadadii isku xidhaysay magaalooyinka Hargeysa iyo waliba Baligubadle, xukuumadayaduna sidii ay hore ugu balan qaaday waa ku talo jirnaa in la dhiso, laakiin waxa loo baahan yahay in qurbo jooga iyo waliba dadka gobolka u dhashay ay  ku baraarugaan in ay wadadu iyaga sugayso.

Agaasimaha maamulka Madaxtooyada Maxamuud Cabdillaahi Xarbi, oo isna halkaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyay hoteelkan cusub.

Guddoomiyaha Hay’adda abaabul ka saarka qaranka Md. Jamaal Caydiid Ibraahim oo isna halkaas kelmado koob-kooban ka soo jeediyay ayaa si la mid ah sidii masuuliyiintii ka horeysay mahadnaq balaadhan dusha uga tuuray mulkiilaha huteelka Al-Xayaat ee Magaaladda Baligubadle, waxaanu yidhi ‘Halkan si aad ah ayaa amaanta mulkiilaha hudheelka Al Xayaat la isaga daba noqnoqday, aniguna waan la qabaa, waxaanse ku dari lahaa in uu gobolku yahay mid wayn isla markaana la tartamaya gobolada la mid ka ah, waxaana la inooga baahan yahay in aynu gacmaha isu qabsano, dhihnaca xukuumadda waxa ka hadlay masuuliyiintii ka horeysay, magaalana waxa runtii magaalo ka dhigi karta laamayda ka soo baxda Hargeysa iyo waliba Baligubadle, taas ayaynu runtii u baahanahay in aynu gacmaha isu qabsano isla markaana ka hirgelino gobolka”

Wasiirka Beeraha Faarax Cilmi Geedoole oo isna ka mid ahaa Wasiiradii halkaas ka hadlay ayaa yidhi ‘Dadka Reer Baligubadle aad iyo aad baan idiin ka mahadnaqayaa soo dhaweynta balaadhan ee aad gobollka nagu soo dhaweyseen, waxaanan jeclahay in aan halkan ka sheego in suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax uu saddex bilood ka hor igu marti qaaday in aan mar uun imaado gobolka hawd, runtiina aad baan ugu faraxsanahay in aan ka qayb galo xafladda lagu furayo hudheelkan, waxaanad ogaataan in xukuumadu ay dhiirigelinayso sidii ay dadka ganacsatada ahi uga qayb geli lahaayeen dhismaha dalkooda, waxaanan hadalkayga ku soo gabogabaynaa baaq aan u dirayo qurbo joogta gobolka Hawd oo aan leeyahay soo dhista gobolkiina oo ka qayb gala horumarkiisa” ayuu yidhi.

Gabagabadiina waxa xafladaas hadalo koob-kooban ka soo jeediyay wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed “Waxa aan aad ugu faraxsanahay in aan ka qayb galo xaflada furitaanka huteelka uu walaalkeen xuseen Cabdilaahi Dacar inooga hirgeliyay magaaladda Baligubadle, runtiina xuseen waxa uu soo kordhiyay isla markaana magaaladda ka bineeyay guri aad u qurux badan oo lagu soo wada hiran doono, waxaana runtii uu qof waliba og yahay in baligubadle uu ahaa magaaladii halganka isla markaana dalka laga xoreeyay” ayuu yidhi.

Comments are closed.