Xildhibaan Ka Tiran Golaha Wakiilada Oo Si Kulul U Weeraray Wasiirka Macdanta Iyo Biyaha Oo Uu Eedaymo U Jeediyay

1
652

adagHargaysa( Geeska )-Gudoomiyaha guddi hoosaadka khayraadka dabiiciga ah ee golaha wakiilada Md. Siciid Maxamed Cilmi, ayaa ku tilmaamay sharci daro shirkadaha ruqsadaha shidaalka iyo kuwa macdanta ee ay wasaarada macdanta iyo  biyahu ka siisay dalka, oo uu sheegay in aan golaha wakiilada la soo marin.

 

 

Gudoomiye Siciid waxa uu madaxdii xisbiga KULMIYE oo madaxweye Axmed Siilaanyo ugu horeeyo uu ku eedeeyay inay samaynayaan waxii ay ku eedayn jireen madaxweynii hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin, oo ah inaanu golaha wakiilada horkeenin heshiisayada shirkada ajaanibka ah la’la galo.

Sida oo kale waxa uu sheegay Gudoomiyaha gudi hoosaadka khayraadka dabiiciga ah ee golaha wakiilada Siciid Maxamed Cilmi in wasiirka macadanta iyo biyahu uu aaminsan yahay in aan golaha la hor gayn heshiisyada, waxanu ka xogwaramay tirada shirkadaha heshiisayda ay xukuumadu la gashay. Waxa uu arimahan kaga hadlay gudoomiye Siciid waraysi uu shalay siiyay idaacada VOA.

Waxaanu ugu horayntii isaga oo heshiisyada dawladu ay la gasho shirkadaha ka hadlaaya uu yidhi “Heshiisyadan muddo dheer ayaanu ka hadlaynay, nasiib wanaagna markii hore waxaanu haysanay xisbi nagala shaqeeya oo xisbiga KUKMIYE ayuu ahaa xiligii doorashada, hasa yeeshee waxaanu filaynay marka uu xisbiga KULMIYE ku guulaysto dawladnimada sidii uu ku qoray barnaamijkiisa iyo wax qabadkii boqolka maalmood ee u horeeyay, labadaba waxa uu ku qoray xisbigu in heshiisyada lala galay shirkadaha caalamiga ah in la keeni doono golaha wakiilada.”

Gudoomiye Siciid oo la waydiiyay in wax heshiisyo ah la keenay golaha wakiilada waxa uu ku jawaabay  “Lama keenin oo kaliyaata maaha ee waxa muuqata in la diidan yahay in la keenoba, markii horena xukuumada raga ka tirsan oo uu ugu horeeyo madaxweyne Axmed Siilaanyo waxay nagula olalaynayeen in heshiisyadaas inuu Daahir Riyaale golaha keeni waayaa ay tahay sharci daro, taas oo ahayd olalaha ugu weyn ee ku saabsanaa khayraadka dabiiciga ah.”

Gudoomiyaha gudi hoosaadka khayaraadka dabiiciga ah ee golaha wakiilada Siciid Maxamed Cilmi oo la su’aalay inay xukuumada arinta kala kulmeen waxa uu yidhi “Dhawr goor ayaan go’aansanay, si toos ahna waanu isku aragnay wasiirka macdanta iyo biyahuna waxa uu qabaa rayi kale oo ah in aan dunidaba lagu arag heshiisyo la keeno golaha wakiilada, markaas wax ka horaysa isagii baaba ku doodaya in aanay ahayn wax duniduba ku dhaqanto in la keeno golaha wakiilada heshiisyada.”

Gudoomiye Siciid oo la su’aalay qodobada sharci ee ay arintan u cuskanayaan iyo shirkadaha imika wasaarada macdantu ay ruqsada siisay waxa uu yidhi “Waxaanu u cuskanaynaa qodbka 53  dastuurka qaranka ayaa si toosa u qeexaaya waajibka golahu uu u leeyahay.Waxa jira shirkado hore iyo kuwo cusub labadaba oo dalkii meel walba maraaya,maalintii ugu danbaysay waydinkii maqlaayay in Burco ay shirkado ka soo dageen, wasiirka madanta iyo biyaha ayaa ka hortagay iyo madaxda gobalka, haddana ilaa iyo hadda wax sharciyada ah oo nidaamsan oo loo hayo shirkadaahaasu ma jirto, halkan mid baanu uga wada sheegaynaa shacabka Somaliland iyo shirkadahaba;  ma jirto shirkad macdan ama shidaal ku saabsan oo si sharciya dalkan uga diiwangashan, oo golaha wakiiladu uu ka dooday oo uu isla ogalaaday, ilaa intaas la helaayo waxay ku joogaanba waa sharci daro.”

Siciid isaga oo ka sii hadlaaya awoodda wasaarada macdanta iyo biyaha waxa uu yidhi “ Wasaaradu waxay samayn kartaa inay marka hore isa soo fahmaan shirkada, dabadeedna ay golaha la timaado oo ay heshiiskaas u soo bandhigto, oo golahu ka doodo, oo dadka oo dhan ay wada arkaan waxa laga doodaayo, markuu golahu ansaxiyo ay si ciifan u diiwangaliso.”

Isagoo ka sii hadlaya tirada shirkadaha dalka jooga, wuxuu yidhi “Tirada hadda noomuuqataa waa ilaa 8, laakiin wax la sheegayaa in ilaa dhawr iyo labaatan shirkadood dalka waraaqo laga siiyay, oo midba meel lagu siiyay, si lagu siiyay garan maynee. Midna noomay iman malaa amarna waxay ka haystaan in anaay nala hadlin xukuumada.”

Comments are closed.