Magacyada Afar Xildhibaan Oo Shalay Ku Biiray Golaha Wakiilada

0
525

 

Hargeysa(Geeska)-Afar xildhibaan oo ka mid noqon doona golaha wakiilada ayaa shalay si rasmi ah ugu biiray aqalkaas, waxaanay buuxin doonaan jagooyin ay baneeyeen afar xildhibaan oo ay goluhu toddobaadkii hore xasaanadii ka qaadeen.

Mudanayaashan afarta ah, waxa shirguddoonka golaha wakiilada u soo gudbiyay guddiga doorashooyinka ka dib markii uu shirguddoonku ka codsaday inay soo buuxiyaan kuraasidaas banaanatay.  Afarta xildhibaan ee cusub ayaa kala ah:

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac oo ka soo jeeda xisbiga KULMIYE, kana soo galay gobalka Awdal

Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale oo ka soo jeeda xisbiga UDUB, kana soo galay gobalka Awdal

Xildhibaan Yaasiin Cali, oo ka soo jeeda xisbiga UCID kana soo galay gobalka Sanaag iyo

Fu’aad Sheekh Muxumed Cabdalle, oo ka tirsan xisbiga UCID kana soo galay doorashada gobalka Saaxil.

Mudanayaashani waxay bedeli doonaan xildhibaanadaas hore xasaanadda looga qaaday oo dhammaantood ku sugan dalka dibadiisa.