Madaxweyne Siilaanyo Oo Furay Kulan Uu Xukuumadiisa Ku Qiimaynayo, Hoggaanka KULMIYE Oo Ka Qayb Galay Iyo Aragtiyaha Kala Duwan Ee Shacabka

0
506

 

anyoHargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shalay Madaxtooyada ka bilaabay kulan socon doona saddex maalmood, kaas oo la sheegay inuu yahay shir lagu qiimaynayo wax qabadka wasaaradaha.

 

Kulankan oo furmay barqadii shalay wuxuu soo xidhmay cawayskii xalay, waxaana la sheegay inuu Madaxweynuhu ka jeediyay hadal kooban oo uu nuxurkiisu ahaa inay ka go’antahay inuu la xisaabtamo masuuliyiinta uu qaranka xilalka ugu dhiibay iyo weliba inuu ogaado waxyaabaha qabsoomay mudadii uu xilka hayay iyo waxyaabaha weli qabyada ah. Kulankaas oo aan warbaahinta loo ogolayn waxa la sheegay inay goob joog ka ahaayeen guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo ku xigeenkiisa Md. Maxamed Kaahin Axmed.

Wasiirada ayaa la sheegay inay halkaas ka jeediyeen warbixino ay kaga waramayaan wax qabadkooda iyo weliba caqabadaha soo waajahay.

Laakiin, marka la eego aragtida shacabka ee ku waajahan shirkan qiimaynta ah ee xukuumadda u furmay, waxa laga dhex dareemayaa inay bulshadu ka qabto aragtiyo kala duwan. Tusaale ahaan dadka qaarkii ayaa soo dhaweeyay shirweynaha madaxtooyada uga dhex furmay Madaxweynaha iyo golihiisa xukuumadda, waxaanay tilmaamayaan inuu shirkani fure u noqon doono inay wasiiradu dareemaan in la xisaabtan iyo qiimayni jirto, waxaanay dadkani ku doodayaan inuu madaxweynuhu go’aan qaadan doono ka dib marka uu saddexda maalmood dhagaysto warbixinta wasiiradiisa. “Waxa uu Madaxweynuhu arki doonaa ninka wax qabtay iyo ninka iska seexday, sidaas darteed waa kulan muhiim ah oo muujinaya in la xisaabtan dalka ka jiro.” Sidaas waxa yidhi Mawliid Aadan Faarax oo ka mid ah muwaadiniinta shalay falanqaynayay kulankaas.

Hase yeeshe dadka qaar ka mid ah ayaa iyaguna aaminsan aragti taas ka duwan, waxaanay dadkani ku doodayaan in ujeedada kulankani tahay mid doorashada looga dan leeyahay oo uu Madaxweynuhu ku doonayo inuu shacabka ku kasbado maadaama oo ay doorashadii goleyaasha deegaanadu soo dhawdahay, waxa kale oo ay aaminsanyihiin inaanay Madaxweynaha iyo wasiiradiisu kulankan runta isugu sheegi doonin,  “Oo  haddii Madaxweynuhu la xisaabtan diyaar u yahay miyaanu horeba ula xisaabtami jirin wasiiradiisa. Arrintu waa KULMIYE u ololayn ee maaha xisaabtan iyo maamul wanaajin.” Sidaas waxa isna yidhi Cabdiraxmaan Axmed Jaamac, waxaanu intaas raaciyay, “Horeba madaxtooyada waa loogu kulmi jiray toddobaad kasta, imikana kulankani kama duwana kuwaas hore waxaanan u arkaa indho sarcaad shacabka loo dhigayo.”

Si kastaba ha ahaate, bulshada ayaa si weyn ula socota kulamadan iyo natiijada ka soo bixi doonta, waxaana macnaha iyo ujeedada ka dambaysa si rasmi ah loo ogaan doonaa marka uu shirku toddobaadkan dhammaado.