Xikmadda Gabadh La Kala Doorransiiyey Saygeeda, Wiilkeeda Iyo Walaalkeed Oo La Dilayey, Si Mid Loo Cafiyo

0
570

Hargeysa (Geeska)- Waxaa la sheegaa in amiirkii la odhan jiray Xijaaj Bin Yuuusuf oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii dowladdii Ummawiyiinta, caanna ku ahaa dhiig-daadinta iyo dulmiga,uu maamulkiisii dil ku xukuumay saddex nin oo muddo eedo ugu xidhnaa xabsiyadiisa. Sidii caadiga u ahayd Xujaaj waxa uu ka soo qayb galay fagaarihii saddexdan nin lagu dilayey, markii ninkii dilka fulinayey uu la kala baxay seeftii uu qoorta kaga jari lahaa ayaa uu Xujaaj si kedis ah u arkay gabadh aad u qurux badan oo si xanuun badan u ooyeysa, kadib waxa uu dalbaday in dilka loo kaadiyo oo bal gabadha dadka daawadayaasha ah ka dhex ooyeysa loo keeno.

Xujaaj gabadhii waxa uu weydiiyey, waxa ka oohiyey? Waxa ay ugu jawaabtay, “Saddexda nin ee aad dilka ku xukuntay, waa saygaygii, walaalkay iyo wiilkaygii?

Xijaaj oo taagga u calool dabcay gabadhan ayaa go’aansaday in uu saddexdan nin kala reebo oo midkood gabadhan fadligeeda ku cafiyo, kadib waxa uu ku yidhi, “Door mid ka mid ah oo aan kuu cafiyo” Juxa waxa uu filayey in gabadhani ay dooran doonto wiilkeeda, maadaama oo hooyo kastaa ilmaheeda dunida ugu jeceshay, dadkii goobta joogay oo dhamina waxa ay si xiise badan ugu dheg taageen jawaabta gabadha ka soo bixi doonta, xaggeeda ayaana dareenkii loo soo wada jeediyey. Gabadhii inta ay cabbaar yar aamustay ayaa ay tidhi, “Waxa aan doortay walaalkay”

Xijaaj ayaa uu qaadan waayey jawaabtaas, markaasuu haddana mar kale weydiiyey bal hadda in ay u sheegto sirta kuu jirta doorashada walaalkeed. Gabadhii waxa ay ugu jawaabtay, “Saygayga, haddii aan waayo, nin kale oo aan guursado waa aan heli karaa. .. wiilkana aniga ayaa dhalay oo inta aan noolahay, mid kale waa aan dhali karaa. .. Laakiin walaalka dib u heli maayo, oo aabahay iyo hooyadayba waa ay geeriyoodeen, sidaa awgeed ma jiro waalid dambe oo walaal ii dhalayaa” Gabadhan hadalkeedu waxa uu noqday hal-qabsi iyo xikmad, Xijjaaj oo aad uga helay xikmaddeeda iyo caqligeeduna waxa uu go’aansaday in uu darteed saddexda ninba u cafiyo, sidii ayaanay dhammaantood ku badbaadeen.