Ma Dhabaa In Fadhiga U Horeeya Ee Golaha Wakiilada La Soo Dhigayo Mooshin Xilka Lagaga Qaadayo Guddoomiye Cirro?

0
475

Picture6Hargeysa(Geeska)-Marka uu Sabtida furmo fadhiga golaha wakiilada Somaliland, waxa la sheegayaa in la keeni doono mooshin ka dhan ah guddoomiyaha golaha Md. Cabdiraxmaan Cirro, oo ah mooshin maamuus ka xayuubineed.

Xildhibaanada ka soo horjeeda guddoomiye Cirro ee muxaafidka ah ayaa hore ugu hanjabay inay golaha keeni doonaan mooshin maamuuska lagaga xayuubinayo guddoomiye Cirro haddii aanu sixitaan ku samayn qodobo ay sheegeen inuu ku darsaday xeerka diiwaangelinta ee golaha guurtida loo gudbiyay. Hase yeeshe iyadoo muddooyinkan dambe la arkayay inuu khilaafkaasi suulay, ayaa waxa mar keliya labadii maalmood ee u dambeeyay suuqyada siyaasadda ku soo kordhay warar sheegaya in la qorsheeyay in Sabtida la keeno mooshinkaas ka dhanka ah guddoomiye Cirro.

Mooshinkan ayaa la sheegay inay xukuumadu si weyn u taageersantahay, ka dib markii ay xildhibaanada muxaafidka ahi ku qanciyeen in la joogo wakhtigii dagaal lagu qaadi lahaa guddoomiye Cirro oo sidoo kale ah guddoomiyaha xisbiga Waddani.

Xildhibaanada mucaaradka ee guddoomiye Cirro taageersan ayaa iyaguna si weyn ula socda dhaqdhaqaaqa xildhibaanada muxaafidka ah iyo xukuumadda, waxaana la sheegay inay u diyaar garoobeen sidii ay mooshinkaas jawaab uga bixin lahaayeen.

Inkastoo aanu weli dhinacna warkan si rasmi ah u xaqiijin, haddana haddii uu mooshinkani sidaas ku dhaboobo waxa laga yaabaa inuu sii shido xaaladda siyaasadeed ee uu wadanku marayo oo ah mid cidhiidhi ah, waxaana laga yaabaa inuu saamayn ku yeesho xaaladahan is shidaya, maadaama oo uu yahay murashax madaxweyne oo ay xukuumadda si adag iskaga soo horjeedaan.