Qormo U Gaar Ah Ardayda Xisaabta: Barashada Xeelado Kaa Caawinaya In Aad Xisaabta Maskaxda Ku Xalliso (1)

0
1337

Hargeysa (Geeska)- Xisaabtu waxa ay ka mid tahay cilmiyada sida tooska ah xidhiidhka ula leh maskaxda, dad badan ayaa ku dooda in xisaabta sida loogu kala wanaagsan yahay ay ku xidhan tahay sida maskaxda dadku u kala fiican tahay, haddii kale aynu nidhaahno sida ay dadku u kala godlin og yihiin maskaxdooda. Qormadan oo uu Geeska Afrika ugu talo galay ardayda dhigata maadadda xisaabta iyo guudu ahaan dadka xiiseeya maadaddan xiisaha badan waxa aynu ku soo ban dhigaynaa xeelado uu qofku isaga oo maskaxdiisa oo keliya adeegsanayo ku hubin karo natiijada xisaabeed ee uu soo baxday ama uu ku heli karo natiijo, in kasta oo uu juhdi u baahan yahay haddana waa hab uu ardaygu maskaxdiisa ku furfuri karo kuna firfircoonaysiin karo, kagana raysan karo aaladaha casrigan xisaabta loo adeegsado ee maskaxda fadhiidka ka dhigaya:

Xisaabinta maskaxeed: Waa in xisaab la furfuro, ama la hubiyo iyada oo la adeegsanayo maskaxda bani’aadamka oo keliya lana kaashanahayn mishiinka xisaabta, Kombiyuuutar iyo xataa qalin iyo warqad.

Habkan waxa ay dadku aad u isticmaali jireen xilligii tiknoolajiyadda casriga ah aan la gaadhin ee aanay soo bixin mishiinnada magacyada badan ee dhammaantood si toos ah ama dadban uga gacan geysta xallinta, furfuridda iyo helidda natiijada xisaabta iyo sidoo kale hubinteeda. waa hab aad gaabis uga ah habkan dhaqsaha badan ee mishiinnada laakiin haddana maskaxda si fiican uga shaqaysiinaya, una fiican qofka waqti u haya ama diyaar u ah in uu cid kale kula tartamo. Haddaba dhowr ka mid ah xeeladahaas uu Geeska Afrika soo uruuriyey waxa ay kala yihiin:

– Marka xisaabtu (+, /, -, x) ay tahay tiro midkood ama labaduba Eberro leeyihiin aad ayaa ay u fududahay, laakiin marka ay tiradu noqoto mid aan eberro lahayn, tusaale ahaan Isku-dhufashada iyo Isu-qaybtina 16 lama mid ah Tobanleyda.

– Habka Sagaal tuurista ee hubinta isku dhufashada:

Marka aad doonayso in aad dib u hubiso taranta (Natiijada) ka soo baxday xisaab aad isku dhufatay waxa aad si fudud u raaci kartaa afartan tallaabo oo adiga oo aan dib ugu noqon isku dhufashadii aad ku xaqiijin karto sax iyo qalad midka ay tahay:

Tallaabada 1aad: Labata qaybood (Fal-xisaabeed) ee aad isku dhufanayso, god god isugu gee, adiga oo tuuraya (Eber ka soo qaadaya) tiro kasta oo sagaal ah. Tusaale ahaan haddii aad isku dhufatay; 6338 x 79. Qaybta hore ee ah 6339, waxa ay noqonaysa 6+3+3+8, labada hore marka aad isu geyso waxa ay noqonayaan 9, markaas tuuur, waxaa kuu soo hadhaya, 3+8, maadaama oo aanu midkoodna 9 ahayn tuuri mayno ee waa aynu isu geynaynaa, waxa aanay noqonaysaa 11.

Qaybta labaad ee xisaabteennan oo ahayd 79, sidii hore oo kale ayaa aynu Sagaalka tuuraynaa, waxaana soo hadhaya 7.

 Tallaabada 2aad: Mar kasta oo godadka aad isu geysay laba noqdaan, mar kale ayaa aad labadoodana isu sii geynaysaa si ay god keliya u noqdaan. Tusaale ahaanIsu gee labadii lambar tusaalaheenna qayb kasta ka soo hadhay, qaybta hore waxa ay ahaayeen 11 sidaa awgeed labadoodana isu gee: 1+1 = 2.  Qaybta labaad marka hore ayaa ay hal god noqotay oo 7 ayaa aynu ka haysannay. La soco…