Xidhiidhka Fool-Ka-Foolka Ah Ee Bulshadu Waxa Uu Leeyahay Faa’idooyin Caafimaad Oo Aanu Lahayn Ka Internet-ka Iyo Bar-Kulannada Bulshada La Isu Mariyo

0
573

Washington (Geeska)- Cilmibaadhis aad muhiim u ah oo Maraykanka lagu sameeyey ayaa daaha ka rogtay in qofka oo saaxiibbadii, qoyskiisa iyo bulshada uu ku xidhan yahay aan si toos ah ula xidhiidhin kulamadooda fool-ka-foolka ahina yaraadaan, kuna koobnaada in uu kala xidhiidho farriimaha la isu mariyo talefanka gacanta, (SMS), E-mail, Facebook, twitter iyo bar kulannada kale ee bulshada iyo xitaa talefanka oo uu kala hadlaa ay aakhirka ku keento in ay ku bataan xanuunnada nafsiga ah oo uu qulubku ugu horreeyo. Tijaabooyin la sameeyey intii daraasaddan baadhisteeda la waday ayaa muujiyey in dadka da’doodu ay ka weyn tahay 50 jir haddii ay xidhiidhka ay bulshada la leeyihiin ka dhigaan mid fool-ka-fol ah ay inta badan ka yaraato khatarta qulubka iyo cudurrada nafsiga ahi”

Cilmibaadhistu waxa ay sheegtay in guud ahaanba dadka qaan-gaadhka ah ee saaxiibbada iyo qoyska ama ehelka guud sheeko iyo haasaawe kula kulmo ugu yaraan saddex jeer toddobaad kasta ay ku yaraato suurtogalnimada in uu ku dhaco xanuunkan nafsiga ahi. Iyada oo tijaabadu muujisay in dadka kulamadooda noocan ahi ku koobnaadaan cel-celis ahaan hal mar dhowrkii bilood, uu boqolkiiba 11 iyo badh laba sannadood gudahood ku dhaco qulub iyo isku-buuq nafsi ahi. Halka dadka qoysaska iyo asxaabta toddobaad kasta saddex jeer la wadaagaa la’ arkay in dadka uu cudurkan nafsiga ahi kaga dhacaa ay yihiin boqolkiiba Lix iyo badh keliya.

“Waxa aanu ogaannay in dhammaan noocyada xidhiidh ee la isu maro bar-kulannada xidhiidhka bulshada ee internet ku aanay ku filnayn, sidoo kale xidhiidhka talefanka ee qofku la yeesho asxaabta iyo xubnaha qoyskiisa ayaan la faa’ido ahayn xidhiidhka tooska ah ee ay is hor fadhiistaan” sidaa waxaa daraasaddan kaga faallooday madaxa cilmibaadhayaasha ee Jaamacadda Michigan ee dalka Maraykanka