Muuse Biixi Oo Hadhimo-sharafeed Ku Qaabilay Inta Badan Ergada Golaha Dhexe Ee Deegaanadiisa

0
430

Picture3Hargeysa(Geeska)-Waxa si weyn loo dareemayaa loolanka u dhexeeya hoggaamiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, kaas oo salka ku haya hanashada murashaxa madaxweyne ee KULMIYE oo ay si adag ugu tartamayaan.

Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay si rasmi ah u bilaabay dhaqdhaqaaqyada uu ku doonayo inuu wixii ka dambeeya 10 November noqdo murashaxa madaxweyne ee xisbiga KULMIYE. Waxaanu shalay kulan hadhimo-sharafeed ah ku maamuusay xubnaha golaha dhexe ee Subeer Awal ugu jira golaha dhexe. Sida ay warar xogogaali sheegeen waxa kulanka ka qayb galay ergo tiradooda  lagu sheegay 54 xubnood oo ka mid ah 75-ka xubnood ee Subeer Awdal ugu jira golaha dhexe.  Kulanka oo ay albaabadu u xidhnaayeen ayaa sida ay ilo xogogaali sheegeen, waxa uu Muuse Biixi Cabdi ka jeediyay hadal kooban oo uu ku sheegay in ololihii bilaabmay islamarkaana loo baahanyahay hadda wixii ka dambeeya in la raadiyo ergooyinka beelaha kale kaga jira golaha dhexe ee KULMIYE, isagoo tilmaamay inuu ku socon doono talada ay u jeediyaan. Sida uu warku sheegay waxa kulanka goob-joog ka ahaa qaar ka mid ah golaha wasiirada, maareeyayaal iyo masuuliyiin kale oo xukuumadda ka tirsan kana tirsan sidoo kale golaha dhexe ee KULMIYE.

Loolanka KULMIYE, ayaa si weyn looga dareemayaa magaalada Hargeysa, waxaana si rasmi ah u bilaabmay kala jiitanka ergada golaha dhexe ee codaynaysa