Kaxaynta Baaskiilku Waxa Ay Dhistaa Jidhka Waxa Aanay Ka Hortag U Noqon Kartaa Cudurrada Ku Dhaca Wadnaha Iyo Noocyo Kansarka Ka Mid Ah

0
584

Paris (Geeska)- Cilmibaadhis cusub oo salaasadii shalay ay natiijadeedu soo baxday ayaa daahfurtay in baaskiil kaxayntu ay u fiican tahay caafimaadka, in kasta oo marka magaalada gudaheeda la wato ay fududayso in qofku uu neefta ku qaato hawada wasakhaysan ee uu dhex marayo, isla markaana ay khatar u tahay shilalka.

Cilmibaadhistan oo lagu faafiyey majalad uu soo saaro maxadka la socoshada caafimaadka oo ah haayad dalka Faransiisku leeyahay oo qaranka u qaabilsan caafimaadka guud, ayaa lagu sheegay in faa’idooyinka caafimaad ee baaskiilku ay ka badan yihiin khatarihiisa.

Cilmibaadhistan oo qayb ka ahayd barnaamij cilmibaadhiseed uu midowga Yurub waday, hormoodna uu ka ahaa Audrey deux Nazyl  oo cilmibaadhe ruug caddaa ah ayaa lagu ogaaday in baaskiilku uu leeyahay faa’ido caafimaad oo ah dhinaca jimicsiga, lana ogaaday in dadka sida joogtada ah ugu jimicsada ay ka hortag uga noqon karto dhibaatooyinka caafimaad ee ka dhasha xarakaad yaraanta oo dunida aad ugu soo badanaya, sida wadne xanuunka, xanuunnada ku dhaca xididdada dhiigga,  asaasaqa iyo xanuunnada xusuusta dila, macaanka noociisa labaad iyo xitaa kansarka gaar ahaan noocyada ku dhaca naaska iyo midhicirada. Sidoo kale waa jimicsi si fiican u dhisaya jidhka isla markaana shaqo gelinaya muruqyo badan oo aan fadhiga iyo jimicsiyada qaar ku dhaqaaqin