Xidhiidh Baa Ka Dhexeeya Muusikada Oo Aad Loo Dallaco Iyo Xanuunnka Xusuusta Dila Ee Asaasaqa

0
851

Hargeysa (Geeska)- Inkasta oo ay dad badani caado ka dhigtaan in muusikada ay dhegeysanayaan dhawaqeeda kor u dallacaan ama ka qaybgalaan xafladaha muusikada codka dheeri ka baxayo, haddana waxa ay dhakhaatiirtu mar kasta ku celisaa khatarta ay keento oo ah in ay daciifiso awoodda maqalka qofka. Imikana waxaa ku soo biiraysa xogta cusub ee sheegaysa in ay keento asaasaq iyo hoos u dhac ku yimaadda awoodda garasaho ee maskaxda.

Waxa ay khubarada caafimaadku xaqiijiyeen in qofka oo yaraantiisa lagu arko in maqalkiisu daciif uu yahay, ay calaamad u noqoto in marka uu weynaado uu ku dhaco xanuunka dila unugyada maskaxda gaar ahaan qaybta xasuusta.

Da’ yaraanta loo jeedaa ma’aha carruurnimada, balse waxa ay khubaradu sheegayaan in qofka oo 50 jir ka yari haddii uu isku arko maqalka oo daciifay ay aad ugu dhowdahay in ay noqoto calaamad muujinaysa in uu mustaqbalka ku dhici doono cudurka xusuusta dila ee asaasaqu.

Waxa ay khubaradu sheegeen in maskaxdu ay kaalin muhiim ah ku leedahay maqalka, maadaama oo ay qaabilsan tahay in hirarka codka ah ee ka soo gudbaya dhegaha qofka ay u beddesho qaab ay maksaxdu u fahmi karto.

Cilmibaadhis cusub oo natijadeeda lagu faafiyey shabakadda wararka ee Alcarabiya ayaa lagu ogaaday xitaa daciifnimada dhegaha ku dhacda ee aadka u yar ama xitaa aanu qofka ay ku dhacday laftigiisu dareemaynin, ay keenayso khatarta ah in mustaqbalka ay qofka maskaxdiisa dhaawac gaadhsiis.

Talooyin caafimaad oo muhiim ah:

  1. Xeeldheereyaashu waxa ay ku talinayaan in si aad ah looga taxaddaro dhegeysiga muusikada uu dhawaqeedu aad u sarreeyo.
  2. Waxaa muhiim ah in qofku uu si joogto ah u sameeyo shaybaadh iyo tijaabo uu ku ogaanayo awoodda maqalkiisa, si uu uga taxaddaro in isaga oo aan ogeyn dheguhu daciifaan, taasina keento khatar dhinaca caafimaadka maskaxda iyo xasuusta ah.
  3. Waxa kale oo ay khubaradu ku talinayaan in lagu dadaalo in qofku uu cuno nafaqooyin liddi ku ah mariidka/sunta cuntada ka dhalata iyo asiidhada dufaneed, taas oo u fiican caafimaadka maskaxda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here