Soomaaliya Oo Masuuliyiin Darajadoodu Hoosayso U Soo Dirtay Kulan Uu Wasiirka Arr. Dibadda Ee Somaliland Ka Qaybgelayo Oo Gogol Xaadh U Ah Wada-Hadallada

0
837

Hargeysa (Geeska) Dawladda Soomaaliya ayaa laba masuul oo shaqaalaheeda rayidka ah ka mida u diratay kulan, muhiim u ah dib u bilowga wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya, oo ay dhinaca Somaliland uga qaybgaleen masuuliyiin miisaan leh ku leh xukuumaddu.

Kulan-hawleedkan oo ka qabsoomaya magaalada Nairoobi ee dalka Kenya waxaa soo qaban-qaabisay Xarunta nabadda iyo dhex-dhexaadinta ee ‘Centre for Humanitarian Dialogue’. Waxaana beesha caalamka uga soo qaybgalay ergo ka socota, Maraykanka, Midowga Yurub, Ingiriiska, Turkiga, Sweden iyo urur gobaleedka IGAD, kuwaas oo dhammaantood u soo dirtay diblumaasiyiin muhiim ah, oo ay ka mid yihiin ergeyga Turkiga u qaabilsan wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland Danjire Olgan Beker, Ergeyga gaarka ah ee IGAD u qaabilsan Soomaaliya, Badda cas iyo gacanka cadmeed Danjire Maxamed Guyo, madaxa xafiiska Ingiriiska ee Somaliland Stuart Brown, ergeyga gaarka ah ee Sweden u qaabilsan Geeska Afrika,  agaasimaha arrimaha siyaasadda iyo wadahadallada u qaabilsan AMISOM.

Sida ku cad warqadda ajandeyaasha kulan-hawleedkan oo uu wargeyska GEESKA AFRIKA arkay kulankan waxaa Somaliland uga qaybgalaya, wasiirka arrimaha dibadda mudane Yaasiin Maxamuud Xiir ‘Faratoon’, Maareeyaha hay’adda Duulista iyo hawada mudane

Cabdi Maxamed Rodol, iyo wakiilka Somaliland u jooga Dalka Kenya mudane Baashe Cawil Cumar.

Laakiin Dawladda Soomaaliya waxa ay kulankan u dirtay laba masuul oo isku shaqo ah, mansab ahaanna ka tirsan shaqaalaha rayidka ah, kuwaas oo kala ah, madaxa shaqaalaha ee madaxweynaha Soomaaliya mudane Nuur Diiriye, iyo ku xigeenkiisa mudane Cabdisataar Geelle. Iyada oo ay warar saacadihii dambe soo baxayeyna sheegayaan in madaxa shaqaalaha mudane Cabdisataar qudhiisuna kulanka ka baaqan doono.

Kulan-hawleedkani inta uu socdo, waxaa qiimayn lagu samayn doonaa wadahadalladii hore ee Somaliland iyo Soomaaliya, iyada oo la eegi doono guulaha iyo guuldarrooyinka laga gaadhay. Waxa kale oo masuuliyiinta Somaliland iyo Soomaaliyana laga dalban doonaa in la isla caddeeyo mawqifka labada dhinac ee dib u bilowga iyo sii socoshada wada hadalalda.

In dawladda Soomaaliya kulankan diblumaasiyiinta miisaanka lihi ka soo qaybgaleen ay u soo diratay labadan sarkaal ee ka tirsan madaxtooyadu, waxa ay muujinaysaa inta uu le’eg yahay qiimaha ay siinayso wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya. Waxa aanay wararka qaar sheegayaan in labadan sarkaal ay mawqif adag oo ka dhan ah gooni-isu-taagga Somaliland kaga dhawaaqi doonaan kulanka si uu u dhasho dareen sababa in ay dib ugu sii dhacaan bilowga wadahadalladu.

War isagana lagu faafiyey shabakadda Strategic Intelligence ayaa lagu sheegay in arrinta kale ee xasaasiga ah ee kulankan lagaga wadahadli doonaa ay tahay qodobka ku aaddan isbedellada gobalka Geeska iyo badda cas iyo saamaynta ay ku yeelanayaan geeddi socodka Soomaaliya iyo Somaliland, arrintaas oo hore uu urur gobaleedka IGAD ugu xilsaaray ergeygiisa u qaabilsan Soomaaliya mudane Guyo, laakiin mar ay Somaliland ka hadashay ay sheegtay in ay xaq u leedahay in talada arrinta badda cas kaalinteeda laga siiyo, maadaama oo ay dhul ahaan iyada raacsan tahay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here