9 Dawladood Ayaa Tirada Maanta Ee Dadka Dunida Ku Kordhin Doona 11 Bilyan Oo Qof

0
877

New York (Geeska)-Qaramada Midoobey ayaa shaaca ka qaadday in dadka dunida ku nool tiradooda iyo da’dooduba si aad u yar u kordhayso, laakiin iyada oo ay taasi jirto, haddana la saadaalinayo in tirada dadka adduunka oo imika lagu qiyaaso 7.7 Bilyan oo qof, ay sannadka 2050 ka gaadh doonto 9.7 Bilyan.

Warbixin arrintan la xidhiidha oo lagu daabacay shabakadda wararka ee Alcarabiya ayaa lagu sheegay in waaxda dadka oo ka tirsan hay’adda arrimaha dhaqaalaha iyo bushada ee Qaramada Midoobey oo magaceeda loo soo gaabiy UN-DESa ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in tirada dadka adduunnku dabayaaqada qarnigan gaadhi doonto 11 Bilyan oo ruux.

Warbixintu waxa ay sheegtay in sida ka muuqata ifafaalayaasha hadda jira, dalalka sababta u noqon doona in tirada dadka adduunku si xawli ah u korodho ay yihiin sagaal dal. kuwaas oo ay wadarta tirada dadkoodu kordhi doonto in ka badan kala badh inta ay kordhayso tirada guud ee dadka adduunku.

Dalalkaas oo ay hay’addu warbixinteeda ku sheegtay ayaa u kala horreeya sidan hoos ku cad:

  1. Hindiya
  2. Nayjeeriya
  3. Baakistaan
  4. Koongo
  5. Itoobiya
  6. Tansaaniya
  7. Indooniisiya
  8. Masar
  9. Maraykanka.

Dhinaca kalana waxa ay warbixintan qaramada midoobey ka soo baxday sheegaysaa in la saadaalinayo in da’da dadka dunidu ay kor u kacdo, taas oo macnaheedu yahay in ay yaraadaan tirada dadka adduunka ee dhalinyaronimada ku dhimanaya.

Waxa aanay arrintaas ku sababaysay heerka dhaqaalaha dadka dabaqadda dhexe oo aad u soo koraya muddooyinkan dambe iyo arrinta kale oo ah hoos u dhac ku yimi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here