Xiddiga Kubadda Cagta Ee Benzema Oo Ka Hadlay Waxa Uu Ka Yeelayo Soonka Shacbaan Iyo Ramadaan

0
542

Xiddiga kooxda Real Madrid, Kariim Bensiima ayaa shaaca ka qaaday in aanu ciyaaraha iyo tababarrada uu gelayo awgeed u sii deyn doonin waajibaadka diiniga ah ee saaran. Xiddiga reer Faransiis oo asalkiisu ka soo jeedo dalka Aljeeriya ayaa bartiisa Instegram ka ku faafiyey sawir muujinaya isaga oo afuraya, waxa aanu raaciyey qoraal uu ku sheegay in uu sii wadi doono soonka sunnaha ah ee maalmaha 13, 14, 15 ka bisha Shacbaan ee aynu ku jirno.

Bensiima waxa uu caan ku yahay ilaalinta iyo ku faanidda dhaqannada iyo ficillada diinta Islaamku dadkeeda farto, waxa aana marar badan sawirro kala duwan laga so oqaaday isaga oo gudanaya waajibaadka xaka Cimrada. Arrintan oo dad badan si gaar ah u soo jiidata maadaama oo ay tahay arrin aan aalaa lagu arag dadka caanka ah, gaar ahaan dunida kubadda cagta, inkasta oo ay jiraan xiddigo kale oo iyaguna sidan oo kale yeelaa.

Bensiima oo bishii Diisamabr ee sannadkii 1987 kii ku dhashay magaalada Leyon ee dalka Faransiiska ayaa sannadkii 2014 oo uu socday koobkii kubadda cagta adduunka ee Baraasiil lagu qabtay, waxa uu muran iyo doodo badan ka dhex abuuray xidhiidhka kubadda cagta Faransiiska, kaddib markii uu diiday in uu joojiyo soonka maadaama oo ay ciyaaruhu dhacayeen bisha Ramadaan oo lagu jiro.

Bensiima oo caan ku ah in ciyaaraha iyo tababarrada ka hor uu akhriyo qaybo ka mid ah Qur’aanka Kariimka ah, ayaa mar arrintaaslaga waraystay sheegay in akhriska Qur’aanku uu ku beero raaxo nafsadeed iyo isku kalsooni badan.

Si kastaba ha ahaato ee xiddigan Kariim Bensiima waxaa marar badan lagu dhaliilaa muran joogto ah oo dhex mara isaga iyo jaalkiisa ciyaarta, kaas oo uu u dambeeyey murankii dhex maray isaga iyo weeraryahanka kooxda Ingiriiska ee Chelsea, Olivier Giroud oo ay jaal ku yihiin xulka qaranka ee dalkooda Faransiiska. Markaas oo uu Bensiima xiddigan ku metelay baabuurta Go-kart halka uu isagu iskala mid dhigay gaadhiga qaaliga ah ee Ferrari. Taas oo uu kaga jawaabayey su’aal ay taageereyaashiisu barta Instegram ka ku weydiiyeen bal in uu is barbardhigo naftiisa iyo ciyaaryahanka kale.

Waxaa jirtay iyaduna mar laga faafiyey muuqaal aan dhaqan ahaan fiicnayn, laakiin arrintas Bensiima waa uu beeniyey, waxa anau sheegay in ay qayb ka tahay dagaalka cunsuriyadeed ee Faransiiska ka jira.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here