Awoodda Xakamaynta Nafta: Soo Koobidda Buugga Dr. Ibraahim Fiqi (Q:8aad)

0
685

Waa qayb ka leo o ka mid ah taxanaha soo koobidda buugga Awoodda xakamaynta nafta’ee uu qoray Ibraahiim Fiqi (AHUN).

Qaybtan oo dhinaca tirsiga kitaabka ka noqonaysa qaybta Afaraad, waxa uu Ibraahiim Fiqi kaga hadlayaa dareenka qofka iyo muhiimadda uu u leeyahay guusha uu samaynayo. Ugu horreyn ba waxa uu tilmaamayaa aragti uu kaga duwan yahay qoraagii iyo tababarihii horumarinta nafta ee Maraykan, Richard Bandler oo aaminsan in guushu ay tahay sababta dabiiciga ah ee farxadda keenta. Ibraahiim Fiqi waxa uu isagu aaminsan yahay in waaqacu uu ina barayo in guushu ay ka dhalato farxadda. Isaga oo arrintaas sii iftiiminayana waxa uu buuggiisa isku weydiinayaa, “Imisa jeer ayaa ay dhacdaa in aynu sugno arrin aynu filayno in marka uu yimaaddo uu farxad badan inoo horseedi doono, laakiin marka uu yimaaddo, aynu weynaa farxaddii aynu ka filaynay ama lagu sheegayey.

Imisaa fanaaniin iyo dad magac lahaa oo helay wax kasta oo ay noloshu u baahan tahay, haddana naftooda dilay, kaddib markii ay farxad noloshoodu weyday. Qof kasta oo innaga mid ah noloshiisu waxa ay soo martaa mar ay maxbuus u tahay dareen taban, oo tusaale ahaan ah murugo, cabsi, xanuun iwm.

Miyaan la gaadhin waqtigii aynu ka xoroobi lahayn dareenka iyo qiirada taban, si aynu isaga furno dabarrada iyo hoggaanka aynu nafteenna ugu xidhnay nafteenna. Miyaan la gaadhin waqtigii aynu dareenkeenna xakamayn lahayn, ee aynu dadka iyo wax kastaba ka diidi lahayn in ay inoo yeedhiyaan dareenkeennada ay tahay in aynu dareenno?

Qiirada togan iyo dareenku waa sida sallaanka, kor iyo hoosba waa loo raaci karaa. Laakiin adiga ayaa ay gacantaada ku jirtaa dhanka aad u raacaysaa. Sida uu hore u sheegay madaxweynihii Maraykan ee Abraham Lincoln, qofku waxa uu farxaa hadba inta uu isagu go’aansado in ay farxaddiisu gaadho.

Intaas kaddib waxa uu qoraa Ibraahiim Fiqi qaybtan ku soo bandhigayaa talooyinkiisa iyo aragtidiisa uu aaminsan yahay in ay tahay mabaadii’da farxadda lagu samayn karo.

  1. In qofku naftiisa gudaha dejiyo. Nabad gudahaaga ah raadi oo aad la gelayso naftaada iyo ruuxdaada. Qalbigaaga jacayl ha buuxiyo, taas ayaa kaa caawinaysa in aad iska caabbido raadadak taban ee ay kugu yeelan lahaayeen waxa kaaga imanaya dunida ka baxsan naftaada.
  2. Caafimaad qabku waa mid kale oo ka mid ah mabaadii’da aasaasiga u ah badhaadhaha.
  3. Jacaylka iyo xidhiidh badqaba oo aad dadka la yeelato.
  4. Yool yeelo: Naftaada u samee yool iyo hadaf ay higsato, kana shaqayso sidii ay ku gaadhi lahayd. Kaddib naftaada xisaabi, si aad u dareento awoodda aad u leedahay in aad guulaysato, yoolalkaagana gaadho.

Naftaada abaal mari toddobaad kasta mar, ku abaal mari filim maadays iyo majaajilo ah oo aad kaga qosliso, buug aad akhrido, ama mid ka mid ah hudheellada ay jeceshay oo aad cunto ka doonato.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here