“Duruufo Adag-Baa Jira Ee Aynu Dadkeena Danyarta Ah Caawino..”

0
654

Hargeysa (Geeska) – Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed (Daamur) oo ka mid ah hoggaanka sare ee Xisbiga Waddani ayaa ka hadlay dadka laga helay xanuunka  Coronavirus ee Wasiirka Caafimaadku shalay sheegay, waxaanu ku taliyey in aad looga feejignaado taxadir badana la sameeyo.

Siyaasi Cabdillaahi Axmed Maxamed (Daamur), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay geerida ku timid Guddoomiyihii Duruqsi, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Xanuunkii Coronavirus,wuxuu noqday xanuun saamayn ku yeeshay wax walba, xanuunkana lama mid ah xanuunada kale ee hore u jiray, ee khatartiisa ayuu leeyahay, sida loo kala qaadayana waa si aad iyo aad u fudud, ee ILLAAHAY ayaa awood u leh inuu inaga hayo, ee waxaynu ka baryeynaa inuu inaga qabto, hore waxaa loo sheegay in laba qof oo kala jooga Berbara iyo Burco laga helay, shalayna waxaa la sheegay in laga helay saddex qof oo laba ka mid ahi ay Hargeysa joogaan, halka qofka kalena uu Boorama joogo, haddii uu sidaas inoogu sii fido waa khatar, ee dadku ha qaatan wacyigelinta oo dadka aad ha loo wacyigeliyo.”

Mar uu ka hadlayey duruufaha ka jira Somaliland iyo xanuunka Coronavirus saamaynta uu ku yeelan karo ayaa yidhi “Dadkeenu waxay u badan yihiin dad danyar ah, oo dhaqaalahoodu yar yahay, oo maalintii wax ka yar hal doolar ku nool, sidaas darteed waxaa loo baahan yahay in dadkeena dan yarta ah aynu caawino, oo aynu wax tarno, oo waliba la sameeyo meelo lagu kaydiyo raashinka iyo cuntooyinka, oo degmo walba iyo xaafad walba waa inay sidaas  samaysaa oo la sameeyaa Guddiyo arintan qaabilsan, cid kasta oo wax haystana waa inay cidda jaarka la’ tahay ee danyarta ah ay caawisa, maxaa yeelay maceeshadiina qaali bay noqonaysaa, duruufo adagani way jiraan, ee dadkeena danyarta ah aynu caawino”.

Mr. Daamur oo ka hadlayey xanuunka Coronavirus iyo siyaasadda ayaa yidhi “Wakhtiga adag ayeynu maanta ku jirnaa, ee wakhti la is dhaleecayo iyo wakhti la is dhaliilo kuma jirno, ee daruufaha taagan inaynu is wada jir ah ugu gudubno ayaa la inooga baahan yahay”.

Dhinaca kale, wuxuu Tacsi u diray Guddoomiyihii Duruqsi oo ku geeriyooday Magaalada Burco, waxaanu ALLE uga baryey inuu jannadii ka waraabiyo, samir iyo imaana ka siiyo eheliisa, asaxaabtiisa iyo umadda reer Somaliland ee uu ka baxay.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here