Xeeldheerayaal Caafimaad Oo Sheegay In Uu Xidhiidh Ka Dhexeeyo Cirrada Madaxa Iyo Wadne Xanuunka

0
675

Qaahira (Geeska)- Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Al-Qaahira ee dalka Masar ayaa daraasad ay dhowaan sameeyeen ku ogaaday in uu jiro xidhiidh caafimaad oo ka dhexeeya cirrada timaha madaxa iyo wadne xanuunka oo ka mid ah cudurrada loogu dhimashada badan yahay dunida maanta.

Xeeldheerayaasha cilmibaadhistan sameeyey waxa ay sheegeen in tijaabooyin ay ku sameeyeen rag tiradoodu gaadhayso 545 ay ku ogaadeen in ragga ay cirrada madaxu ku soo degdegtaa ay u badan yihiin kuwa ay ku dhacaan xanuunnada wadnaha iyo xididdada dhiigga.

Daraasaddan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay Al-Jazeera ayaa sheegaysa in mar kasta oo cirradu ku sii badato madaxa uu macnaheedu yahay in wadnuhu aanu dhiigga si sax ah u helayn. Waxa aanu inta badan isku arkaa qofkani xanuun saableyda ah, ama garaaca wadnaha oo khalkhal galo, marka ay dhacdo in calaamadahaas uu isku arkana waxaa waajib ah in uu dhaqso ugu tago dhakhtar.

Cilmibaadhayaashan sii faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey natiijadan ay gaadheen ayaa sheegay in cirradu ay madaxa ku badato mar kasta oo uu khalkhal ku yimaaddo DNA-ga qofka, sidoo kale waxa ay cirradu badataa marka uu isbeddel ku yimaaddo hormoonnada qofka. Arrintaas haddii ay sidan dambe lafteeda ku timaaddo mar kale kor u qaadaysa khatarta ah in qofka ay ku yimaaddaan xanuunnada adkeeya halbawlayaasha dhiigga,.

Khubarada oo arrintan sii sharraxayaa waxa ay sheegeen in doodad daraasaddani aanay ahayn in cirradu ay keenayso wadne xanuunka, balse waa in ay isku mid yihiin sababaha keena cirrada iyo kuwa keena xanuunnada wadnaha iyo xididdada dhiigga, taas oo noqonaysa in haddii cirro timid aan laga aamin qabin in xanuunnadanina jiraan, ama ay iman karaan.

Dhinaca kalana Dr. Eirini Samuel oo cilmibaadhistan hoggaaminayey ayaa sheegay in cirradu ay tahay calaamad muujinaysa cimriga bayooloji ee jidhka, laakiin haddana aanay mar kasta macnaheedu ahayn in cimrigaas bayooloji ee jidhka iyo da’da runta ah ee qofku ay isku mid yihiin. Madaama oo aanay cirradu mar kasta cimriga runta ah ee qofka u taagnayna waxaa qasab noqonaysa in cirrada uu qofku madaxiisa ku arkaa ay noqoto calaamad ku baraarujiso in uu hubiyo caafimaadka wadnihiisa, gaar ahaan ragga.