Hab Aad Ku Garan Karto In Akoonkaaga Facebook La Jabsaday Iyo Tallaabooyinka Ugu Habboon Ee Ay Tahay In Aad Qaaddo

0
739

Washington (Geeska)- Haddii aad ka shakido in akoonkaaga Facebook cidi si qarsoodi ah u jabsatay, waxa aaad gujisaa batamka xagga sare ee midig ugu xiga bogggaaga Faceboo, kaas oo ah waran hoos u foorara, kiiska kuu furma ka dooro qaybta farsamada (Settings), markaad ‘Settings’ doorato bogga cusub ee kuu soo baxa, liiska dhinaceeda bidix ku taxan waxa aad ka doorataa batamka ammaanka ee ay ku qorantahay, ‘Security’ kadib liiska shaxda ee dhinaca midig xiga waxa aad ka dhex doorataa batamka ka hadlaya halka aad ka soo gashay akoonkaaga ee ay ku qoran tahay, “Where You’re logged in’.

Marka aad halkaa marayso waxaa kuu soo baxaya liiska qalabka kala duwan ee laga soo galay akoonkaaga iyo meelaha ay joogaan dadka soo galay. Haddii aad liiska kuu soo baxa ku aragto qalab aanad adigu isticmaalin oo laga galay akoonkaaga, sida nooc ka mid ah talefannada gacanta oo aanad haysan adigu, kombiyuutar leh windows ama OS aanad adigu isticmaalin, Tablet, iPad, iwm waxa aad ogaataa in ay jirto cid kale oo xisaabtaada Facebook in ay gasho awood u leh. Si aad ciddaas uga jarto soo gelista dambe ee akoonkaaga ‘Guji’  batamka ay ku qorantay ‘End activity’ oo awood u leh in uu qofkaas so ogelista ka joojiyo. Waxa se’ aad ogaataa in ka joojintaas lafteeduna ay ku meel gaadh tahay. Oo qofkii maadaama oo uu furihii sirta ahaa ‘Password’ haysto uu awood u leeyahay in uu mar kale soo galo.

Habab kale:

Waxaa jira habab kale oo aad ku garan karto marka akoonkaaga Facebook cid aan adiga ahayni kula isticmaalayso, hababkaas oo uu wargeyskan Geeska Afrika ka soo xigtay qormo lagu daabacay shabakadda Al-jazeera waxaa ka mid ah:

– Mar keliya oo aad ku war hesho magacaaga, ama taariikhda dhalashadaada, ama furahaaga sirta ah oo la beddelay.

– In codsi saaxiibtinimo (Friend Request) akoonkaaga looga diro dad aanad garanaynba. Oo tusaale ahaan, aad aragto dad aanad codsan oo haddana codsi saaxiibtinimo kaa aqbalay.

– Farriimo aanad adigu qorin oo aad aragto in akoonkaaga qaybta farriimaha laga diray.

– Farriimo aanad adigu qorin oo lagu baahiyo boggaaga.

Maxay tahay in aad samayso?

Qormadan muhiimka ah oo Geeska Afrika Afsoomaali u rogay waxa ay ku talinaysaa in marka ay dhacdo in aad arrimaha kor ku xusan ku aragto akoonkaaga Facebook, ay kula gudboon tahay in aad marka koowaad, qaaddo tallaabadii aad ku joojinaysay cidda soo gashay akoonkaaga oo ah, “End activity” batamkii ahaa in aad taabato.

Waa in aad beddesho furahaaga sirta ah, haddii aad aragto in furahaagii lagaa hor beddelay codsi ka dalbo qaybta caawinta macaamiisha Facebook ugu talogashay ‘Help Center’ maadaama oo aanad akoonkaaga markan geli karin waxa aad google-ka ku qoraysaa Facebook Help Centre waxaa kuu soo baxaya qayb uu Facebook u diyaariyey in qofka akoonkiisa la jabsado ay caawiso. Kadib dooro batamka ay ku qoran tahay, ‘Privacy and safety’ kadibna bogga kuu soo baxa waxa aad ka sii doorataa ‘Hacked accounts’ haddana ka sii dooro halka ay ku qoran tahay, Waxa aan u malaynayaa in akoonkayga la jabsaday, am acid kale ila isticmaalayso oo Afka Ingiriisiga u qoran sidan, “I think my account was hacked or someone is using it without my permission’ bogga kuu soo baxa akhri kana sii dooro batamka ah, ammaan ka dhig akoonkayga oo u qoran, ‘Secure your account’ waxaa kuu furi doona bog kale oo isagu marka aad akhrido kugu hagi doona tallaabooyinka aad qaadayso. La soco qayb kale oo muhiim ah si aad u barato sida ugu fiican ee aad u sugi karto ammaanka akoonkaaga Facebook…