Xeeladaha Ugu Fiican Ee Aad Maaska Samayska Ah Kaga Garan Karto Ka Dabiiciga Ah (Qaybta:2aad)

0
775

1Hargeysa (Geeska)- Qormadan oo uu Geeska Afrika soo turjumay waxa aynu ku eegaynaa xeelado qofku ku hubin karo in shayga laga iibinayaa uu ka samaysan yahay maas run ah.

– Biyo: Hab kale oo fudud oo lagu garan karo asalnimada maaska ayaa ah in inyar oo biyo ah lagu shubo maaska, haddii aad aragto in uu dhaqso u liqayo (Nuugay) dhibicdii biyaha ahayd ee aad ku tif siisay, macnaheedu waa in uu yahay maas dabiici ah, laakiin haddii uu yahay maas la sameeyey, biyaha ma liqo ee sida barkadda ayaa ay u fadhiyayaan weligood.

– Cadaadis: Caadi ahaan maaska dabiiciga ah marka xoog loo cadaadiyo ee laga qaado, waxaa la arkaa halkii farta lagaga cadaadinayey oo samaysay jactad iyo isku ururid, laakiin haddii uu samays yahay, cadaadiska xoogga ah ee fartu raad kagama tago oo marka laga qaadaba, sidiisa caadiga ah ayaa uu ku soo noqdaa.

– Diirka sare: Maaska dabiiciga ahi waxa uu caan ku yahay in dushiisa midabka leh aan laga sooci karin inta hoose, laakiin maaska samayska ah laga dareemayo in uu saaran yahay dahaash sare oo weliba rabadh u eeg.

– Daloollo: Maaska dabiiciga ahi waa uu leeyahay daloollo yaryar oo aan sinnayn,  qaab ahaan iyo is raacsanaan ahaanna aan nidaamsanayn, laakii maaska aan dabiiciga ahayn godadkiisaasi waa ay nidaamsan yihiin. Dhammaad.